Wax kasta oo aad uga baahan tahay doorashada isku-celiska ah ee Turkiga maanta ka dhacaysa

0

(Ankara) 28 Maajo 2023 – Goobaha codbixinta ayaa ka furmay guud ahaan dalka Turkiga oo maanta lagu qabanyo doorasho ku celis ah oo lagu go’aamin doono in Madaxwaynaha muxaafidka ah ee Recep Tayyip Erdogan uu sii hayn doono xukunka, iyo inuu xilka ku wareejin doono ninka liberaalka ah ee Kemal Kilicdaroglu.

Goobaha codbixinta ayaa furmay 8-dii subaxnimo ee saaka waqtiga maxalliga ah dhammaan 81-ka gobol, iyadoo in ka badan 60 milyan oo qofi ay xaq u leeyihiin inay codeeyaan doorashada ku celiska ah ee Axadda.

3.4 milyan oo kale oo Turki ah ayaa usbuucii lasoo dhaafay xaq u lahaa inay ka codeeyaan dalka dibeddiisa, laakiin lama oga tirada codkooda dhiibtey.

Wareeggii koowaad ee dhacay 14-kii Maajo, dadka usoo baxay doorashadu waxay ahaayeen ku dhowaad 89% gudaha dalka, laakiin kaliya 49.4% ayaa ahaa dibedda.

Wareeggii koowaad ayaa kusoo idlaaday natiijo la’aan, iyadoo aysan jirin musharrixiin helay 50% si uu si toos ah ugu guulaysto. Erdogan ayaa helay 49.5% codadkii la dhiibtey, halka Kilicdaroglu uu helay 44.9%. Ninka kaalinta saddexaad galay, Sinan Ogan, ayaa ku guulaystay 5.17% oo cod. Wuxuu Ogan haatan taageerayaa Erdogan.

Wararka, odoroska iyo faallooyinka doorashada lama ogola inay soo baxdo ilaa lixda galabnimo ee waqtiga maxaliga ah, hal saac kaddib marka doorashadu xiranto. Natiijooyinka guudna lama soo sheegi karo ilaa 9:00pm.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo labo musharrax oo kaliya ay isku soo hareen, guddiga sare ee doorashada ayaa laga yaabaa inay horay u soo bandhigaan natiijooyinka hordhaca ah.

Wareegii koowaad ayaa isku mar la qabtay doorashadii baarlamaanka, waxaana cakirnaanta codbixintu ay keentay dib u dhac iyo dhaleecayn ka imaanaysey mucaaradka.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media