Daalibaan oo mar qura rasaas ku furay Ilaalada Xadka Iiraan & Khasaare culus oo dhacay (Waxa la isku hayo?)

0

(Muqdisho) 28 Maajo 2023 – Ciidamada Daalibaan ayaa rasaas ku furay Ciidamada Ilaalada Xudduudaha Iran Sabtigdii, waxaana ku dhintay ugu yaraan laba qof, sida ay sheegtay warbaahinta Dowladda Iran.

Hadda waxaa lagu soo warramayaa in xaaladda gacanta lagu hayo, halka muuqaallo aan la xaqiijin ay muujinayaan dagaalyahannada Daalibaan oo hub usii daabulaya dhanka xadka.

Dhacdadan ayaa ka dhacday xuduudka Iran ee Sistan iyo Baluchestan iyo gobolka Nimroz ee Afgaanistaan. Maleeshiyada Daalibaan ayaa markii hore rasaas furtay, waxaana ay dileen ugu yaraan labo ilaalo ah oo u dhashay Iran, sida ay ku warrantay Wakaalada Wararka Iran ee IRNA, iyadoo soo xiganeysa ilo booliis.

Iiraaniyiinta ayaa iyana waxay ku jawaabeen rasaas, iyagoo gaystey “khasaare culus iyo dhaawac halis ah,” sida sheegtay IRNA.

Saraakiisha Daalibaan ayaa si kastaba ha ahaatee sheegatay in ilaalada Iran ay markii hore rasaas huwiyeen, islamarkaana dhinac walba uu hal qof kau dhintay, qaar kalena ay dhaawacmeen.

Muranka ayaa sida muuqata salka ku haya xuquuq biyood, iyadoo labada dhinacba ay sheeganayaan marinka webiga Helmand. Halka heshiis dhacay 1973-kii uu u dammaanad qaadayo Iran iyo Afgaanistaan inay si siman u qaybsadaan biyaha webiga.

Hadalsame Media