2 dal oo Muslim ah oo naq ka degey DAHABKA Ruushka ee laga xannibay suuqyada Galbeedka

0

(Hadalsame) 28 Maajo 2023 – Imaaraadka Carabta ayaa noqday madal muhiim u ah dahabka Ruushka tan iyo markii ay dowladaha reer Galbeedku ay ka xirteen suuqyadooda taasoo qayb ka ah cunaqabataynta la xiriirta Ukraine ee saaran Moscow, sida ay ku warrantay Wakaalada Wararka ee Reuters.

Sida laga soo xigtey Wakaaladda, oo soo xiganaysa diiwaannada kastamka, Dowladdan khaliijku waxay soo dejisatey 75.7 tan oo dahab Ruush ah oo qiimahiisu yahay $4.3 bilyan oo Doollae intii u dhaxaysey Febraayo 24, 2022 iyo Maarso 3, 2023-kii.

Tiradani waxay ka dhigan tahay kor u kac wayn oo aan caadi ahayn marka loo eego 1.3 tan oo ay soo degsadeen intii lagu jirey 2021-kii, iyadoo dahabka lagu helayo qiime ka yar kii caadiga ahaa.

Shiinaha iyo Turkiga ayaa ahaa kuwa xiga ee ugu wayn, iyagoo soo dhoofsaday ilaa 20 tan oo dahab ah midkiiba muddadaas, sida ay xogtu muujisay.

Marka lagu biiriyo Imaaraadka, saddexda waddan waxay ka dhigan yihiin inay 99.8% iibsadaan dahabka Ruushka sida ku cad xogta kastamka, Reuters ayaa xustay.

G7, EU iyo Switzerland ayaa mamnuucay soo dejinta dahabka Ruushka xagaagii hore si ay u dhaawacaan wershadaha dahabka ah oo soo saara dakhli dhan $20 bilyan oo Doollar.

Kahor cunaqabataynta, magaalada London ayaa waxay ahayd meesha ugu sareeysa ee la geeyo dahabka Ruushka.

Cunaqabataynta reer Galbeedka ayaa ka xayirtay dahabka Ruushka suuqyadooda waxayna ka mamnuuceen ganacsatada inay wax ka iibsadaan.

Laakiin shirkadaha wadamada kale ayaanay mamnuuc ka ahayn inay ka ganacsadaan birtan qaaliga ah maadaama aysan jirin cunaqabatayn labaad.

Hadalsame Media