Sidee ayay Maraykanka iyo EU u arkaan booqashadii Wasiir Dibadeedka Somalia ee Ruushka?

0

(Moscow) 27 Maajo 2023 – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruse wuxuu booqasho ku tegay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, isagoo kula kulmay dhiggiisa dalkaasi Sergey Lavrov.

Booqashadaasi ayaa la isweydiinayaa maxay u dhimi kartaa xiriirka Somalia kala dhaxeeya wadamada Yurub iyo Mareykanka maadaama wadamadaasi ay caddow ku yihiin Ruushka dalalka kale ee dunidana ku cadaadiya in xiriirka loo jaro Moscow laguna cambaareeyo weerarka Ukraine.

Mareykanka ma jecla Ruushka iyo dal walbo oo xiriir la leh, waxayna isku dayaan in dalkii xiriir la leh ay cadaadis ku saaraan in ay kala fogeeyaan dal kasta Moscow macaamil dhex mara, haddii ay ku guuleysan waayaana Washington waxay iska fogeysaa dalka xiriirkiisa adag la yeesho Ruushka. Sidaasi si la mid ah wadamada reer Yurub ee sida weyn ugu soo horjeeda Ruushka waxay la mid yihiin Mareykanka.

Tusaale, Dagaalkii Ruushka iyo Ukraine, dalalka qaar ee Mareykanka iyo midowga Yurub waxay ku mideysnaayeen in dowladdaha dunida ay wada cambaareeyaan dagaalkaasi, dowladdii ka diidana loo arkayay dhinaca Moscow, waxaa dowladdihii ka horyimid ka mid ahaa Turkiga oo siyaasad dhex dhexaadnimo ah muujisay, hase ahaatee waxay colaad xooggan kala kulantay Mareykanka iyo Midowga Yurub oo halis u arka Ruushka.

Bal ka waran, adigoo ah dowlad hadda saan qaadeyso, hadaad booqato caddowga dowladdihii aad ku tiirsaneyd ee miisaaniyadaada bxinayay, maxaa arrintaasi ka dhalan kara?.

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo miisaaniyada ugu badan ee dowladda hadda bixiya, waxay xiriirka ugu jarteen dalalka qaarkood siyaasadda dabacsan iyo dhex dhexaadnimada ay ka muujiyeen dagaalka Ruushka iyo Ukraine, bal maxay noqon doontaa xiriirka idin kala dhaxeeya dalalkaasi iyo idinka oo dhaqaalahiina uu ku xeran yahay?

Waa siyaasad arrime dibadeed “Qar isku tuurnimo ah” waxaase xaqiiq ah inaysan Reer Yurub iyo Mareykanka dhaliilsan yihiin booqashada wasiirka arrimaha dibada Somalia ee Ruushka.

W; Q: Cali Muxiyaddiin

Hadalsame Media