Ruushka oo hub nukliyeer ah geeyey dal deris ah & Maraykanka oo ka qayliyey (Jawaabta Ruushka)

0

(Moscow) 27 Maajo 2023 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden ayaa saxafiyiinta u sheegay inuu dareemayn “jawi fiican” kaddib markii hubka nukliyeerka Ruushka la geeyey dalka Belarus.

Hadalka Biden, oo ay soo warisey Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa yimid saacado kaddib markii Madaxwaynaha Belarusia ee Alexander Lukashenko uu ku dhawaaqay in “daabulista hubkan nukliyeerku ay mar hore bilaabatay.”

”Ruushku waa inuusan ka walwalin badbaadada hubkiisa waayo Belarusian-ku, waa “dad wax ku ool ah oo faa’iido leh,” waxayna awood u yeelan doonaan inay ilaaliyaan.” ayuu yiri Lukashenko.

Safaaradda Ruushka ee Washington ayaa ka jawaabtey fal-celinta Aqalka Cad iyada oo tilmaantay in “xuquuqda madaxbannaanida ee Ruushka iyo Belarus ay ku xaqiijinayaan ammaankooda wax kasta oo ay u arkaan inay yihiin lagama maarmaan iyada oo lagu jiro dagaal ballaaran oo isku dhafan oo ay Washington iyaga kusoo qaadday.”

Ficilada Moscow waxay si buuxda u waafaqsan yihiin waajibaadkeenna sharci ee caalamiga ah” ayay Safaraddu ku sheegtay Telegram Sabtigan maanta. Hubka taatikada ah ee nukliyeerka looma wareejinayo gacanta Belarus, “xakamaha iyo go’aanka isticmaalkoodu waxaa weli haya Ruushk.” ayay tiri Safaaraddu.

Waqtigan xaadirka ah, waloow uu Maraykanku arrintan ka qayliyey misna hubka nukliyeerka ee taatikada ah ee Maraykanku wuxuu yaallaa dhulka shanta waddan ee NATO ee Yurub – Belgium, Jarmalka, Talyaaniga, Nederland, iyo Turkiye.

Si kastaba, hubka taatikada ah ee nukliyeerku uma qara wayna sida midka istaraatijiga ah, waxaana loogu tala galay duqaymo kooban oo miisaali ah.

Hadalsame Media