Nin furay albaabka diyaaradda xilli ay hawada ku jirto & Dhibaatada ka dhalatay (Daawo)

0

(Daegu) 27 Maajo 2023 – Sagaal qof ayaa isbitaalka loo dhigay dhaawacyo fudud kaddib markii uu nin furay qaybta albaabka bixitaanka deg degga ah ee diyaaradda Asiana Airlines wax yar kahor intaanay soo degin, taasoo argagax ku abuurtay rakaabkii. Islamarkiiba ninkii waa la qabtay.

Shilkan ayaa ka dhacay diyaaradda Airbus A321-200 oo ku sii jeeddey magaalada Daegu ee dalka Kuuriyada Koonfureed galabnimadii jimcaha shalay, kaddib markii mid ka mid ah rakaabka la sheegay inuu furay albaabka bidix ee diyaarada, xilli ay ku jirtey hoobashada, taasoo keentay inay hawo badani soo gasho.

Muuqaallo laga soo duubay shilkaasi ayaa lagu faafiyey khadka internet-ka, kuwaas oo muujinaya rakaabka oo aad u walaacsan xilli uu furan yahay alaabka bixista deg dega ah ee dhinaca bidix.

Qaar ka mid ah dadkii saarnaa diyaaradda ayaa miyir beelay, sida ay sheegayaan wararka warbaahinta gudaha, halka sarkaal ka tirsan Waaxda Dab-damiska ee magaalada Daegu uu sheegay in sagaal dhallinyaro ah la keenay isbitaalka kaddib markii ay soo wajahday dhibaato xagga neefsashada ah.

Hadalsame Media