Lix arrimood oo yaab leh oo laga calaameeyey doorashada shacbawiga ah ee Puntland (Maxaa dhacay?)

0

(Garoowe) 27 Maajo 2023 – Qisooyinka Codeyntii ama doorashadii Puntland (6-da Dhacdo)

1 – 4 Muwaadin oo walaalo ah ayaa Xildhibaano golle deegaan ka noqday Galdogob iyo Gaalkacyo Mudug.

2 – Lamaane is qaba ayaa ku tartamay In Ururadooda oo iska soo horjeeday kala guulaystaan, codadka degmooyinka mid kamid ah gobalka Mudug, Marwadii ayaa xisbigeedii guusha aqbaliyadda hantay, Wiilkiina Kaalinta 2-aad buu yimi Ururkiisa.

3 – Ceelaayo gobalka Haylaan 2 muwaadin oo wada dhashay ayaa Golaha deegaanka soo galay oo labaduba guuleystay

4 – Degmada Xarfo ee gobalka Mudug, Hooyo iyo gabadheed ayaa xildhibaano noqday.

5 – Degmada Xarfo ee gobalka Mudug: Gabar iyo Aabaheed tartamay ayaa Aabihii xildhibaan noqday, Gabadhiina waa guuldareysatay.

6 – Badhan gobalka Sanaag: Wiil dhallinyarro ah oo sabab la xariirta in aysan beeshiisu heli karin codad xildhibaanimo Ururka KAAH u diiday in uu sharraxo ayaa Urur kale ka tartamay ugu dambayna waa soo baxay.

W; D: Faarax Cabdulqaadir

Hadalsame Media