DAAWO: Nibiri ”basaas” ah oo soo galay xeebta Oslo (Digniin loo diray dadwaynaha & Dalka lagu eedeeyey)

0

(Oslo) 26 Maajo 2023 – Agaasinka Kalluumaysiga Norway ayaa uga digey dadka deggan Oslo inay ka fogaadaan wax ay ku sheegeen “Hvaldimir,” oo ah nibiri cad oo u muuqda inuu doortay khoor dabiici ah oo halkaa ku yaalla inuu noqdo hoygiisa joogtada ah kaddib markii uu yimid xeebta Norway 2019-kii.

“Waxaan si gaar ah ugu dhiirigelinaynaa dadka saaran doomaha inay fogaadaan si ay uga fogaadaan inuu nibirigu uu dhaawacmo ama, xaaladda ugu xun, inay ku dilaan doonta,” ayuu Agaasimaha Kalluumaysiga, Frank Bakke-Jensen, saxaafadda u sheegay.

Norway waxay u aragtaa nibiriyada beluga nooc dabar go’aya oo u baahan in la ilaaliyo. Bakke-Jensen ayaa sheegay in nibirigani “uu hadda uu deggan yahay gudaha khoorka Oslofjord,” oo ah meel dadku ku badan yihiin taasoo kor u qaadaysa khatar dhaawac ku gaari karo. Wuxuu kaloo sheegay in Hvaldimir uu haddaba qabo “dhaawacyo fudud” oo ka soogaaray doomaha halkaa maraya.

Nibirigan ayaa markii ugu horreeysey soo jiitey dareenka dadka bishii Abriil 2019-kii, markii uu kasoo muuqday xeebta woqooyi ee Norway oo uu kusoo dhowaaday doomaha kalluumaysatada. Naasleey badeedkan ayaa xirnaa suun kaamaro oo ay ku qoran tahay ‘Qalabka St. Petersburg’, taasoo dhalisay shaki ah inuu yahay basaas Ruushku soo diray. Halkan kasii aqri isaga iyo muuqaalkiisana daawo…

Yeelkeede, nibirigan oo ah mid hebed ah oo aan dhib lagu arag ayaa loogu magac daray Hvaldimir, kaddib markii la is raaciyey erayga Norway ee nibiriga iyo magaca Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin oo gadaal laga qabtay.

Markii dambe waxaa la ogaadey inuu yahay nibiri caadi ah.

Hvaldimir – Wikipedia

Hadalsame Media