“Waa dhacdo taariikhi ah” – Khayrre oo soo dhoweeyey doorashada shacbawiga ah ee Puntland

0

(Hadalsame) 25 Maajo 2023 – RW hore ee DF Somalia, Xasan C Khayrre, ayaa soo dhoweeyey doorashada dadwaynaha Puntland oo uu ku tilmaamay “mid taariikhi ah.”

“Bismilaah, Maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah oo mudan in lagu xuso diiwaanka cusub iyo sooyaalka dib u dhiska dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya. In dad ku dhow afar boqol oo kun oo muwaadiniin Soomaliyeed ah ay doortan madaxdooda waa guul la hubiyay, oo mudan boggaadin iyo garab istaag,” ayuu ku bilaabay.

“Waxaan hambalyo u diraya guud ahaan shacab-weynaha Soomaaliyeed ee reer Puntland, si gaar ahna waxaan u boggaadinayaa guddiga doorashada, xisbiyada iyo maamulka oo ka dhabeeyay in muwaadiniintu helaan xaqooda dastuuriga ah ee dhigaya in ay doortaan madaxdooda si loo helo hoggaan tayo leh, lala xisaabtami karo, kuna yimid rabitaanka bulshada.

“Dhacdadan taariikhiga ah waxa ay farxad galineysaa qof kasta oo rajo ka qaba in ay Soomaaliya ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah, oo saldhiga tartankeedu yahay in shacabka lagu kasbado hufnaan maamul, daacadnimo, aqoon iyo amaano.

“Shaqo walba oo la qabanayo waa yeelan kartaa dul duleel iyo dhaliil, waxaanna ugu baaqaya dhammaan siyaasiyiinta reer Puntland in mad-madowga siyaasiga ah lagu xaliyo wadahadal, isu-tanaasul iyo sharciga qoran, loona turo nabadda iyo horumarka ay heysato Puntland.

“Hambalyo Puntland, Hambalyo Soomaaliya, Hambalyo Dimuqraadiyadda iyo awoodda shacabka. Higsi & Horumar.” Ayuu kusoo afmeeray Khayrre.

Nidaamkii la baxay N&N ayaa la ogaa inaysan isku fiicnayn MW Puntland ee Siciid Deni oo isagu abaabuley doorashadan oo ay sidoo kale isku diiddan yihiin DF Somalia.

Hadalsame Media