“Taas waan u caddaynay Kiev” – Maraykanka oo qirtay inuu ka “walaacsan yahay” in hubkiisa lagu weeraray gudaha Ruushka

0

(Washington) 25 Maajo 2023 – Washington ayaa mar kale meesha ka saartay caddaymaha muuqaalka ah ee in qalab uu Maraykanku siiyey Ukraine loo adeegsadey weerarkii todobaadkan ay maleeshiyada Ukraine ku qaadeen Gobolka Belgorod ee Ruushka oo ay ku sheegeen “warbixinno” aan la xaqiijin oo  u baahan baaritaan dheeraad ah.

Maamulka Madaxwayne Joe Biden, si kastaba ha ahaatee, wuxuu si cad u qiray walaaca ay ka qabaan in Kiev laga yaabo inay jebisay ballanqaadkeedii ahaa inaan hubka Maraykanka loo adeegsan meel ka baxsan dhulkeeda.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, ayaa muujiyey “niyad-jabka” uu ka qabo weerarka intii lagu jirey shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii, warbaahinta Maraykanka ee Politico ayaa sidaa qortay.

Waxa uu xusay in maamulku uu “fiirinayo” wararka sheegaya in qalab uu Maraykanku dalkaa keenay “ay ku lug lahaan karaan” weerar lagu hoobtay oo ka dhacay degmada Belgorod ee Grayvoron ee gudaha Ruushanka.

“Waxaan si wayn u caddaynay in aanan taageersanayn isticmaalka qalabka Maraykanka ee weerarrada gudaha Ruushka,” Kirby ayaa u sheegay suxufiyiinta.

“Arrintaas waanu u caddaynay dadka reer Ukraine. Ma sheegi doono wadahadallada gaarka ah oo aanu iyaga la yeelanayno, laakiin waxaan u malaynayaa in aynaan waxba qarin walaacyadeenna dhinacaas ah. ”

Faallooyinka Kirby ayaa yimid hal maalin uun kaddib markii saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo Pentagon-ku ay isku dayeen in ay shaki geliyaan sawirro iyo muuqaallo si cad u muujinaya in dagaalyahannadu ay adeegsadeen qalabka Maraykanka, kuwaasoo ay ku jiraan gaadiidka Humvees iyo MaxxPro MRAP oo ah gawaarida gaashaaman ee dagaalka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa cadaymahan ku tilmaamay “sawiro aan caddayn” wuxuuna u sheegay weriyeyaasha in maamulka Maraykanku “ay ka shakisan yihiin runnimadooda.”

Hadalsame Media