(Hargaysa) 25 Maajo 2023 – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo ka mid ah gobollada maxalliga ah ee uu sameeyey Maamulka Somaliland ayaa go’aan cusub kasoo saartay xarigga weriye halkaa ku xiran.
Maxkamadda ayaa maanta 5 maalmood oo dheeraad ah oo rummaan ah (xabsi kusii hayn inta aan dacwo lagusoo rogin) u jartay weriye Bishaaro Baandhe.
Bishaaro ayaa horay waxa ay usoo dhammaysatay 7 maalmood oo rummaan ah oo horay loogu jaray.
Yeelkeede, weli lagumasoo oogin wax dacwad ah oo ku saabsan sababta ay ugu xiran tahay Hargaysa.
Hadalsame Media
Facebook Comments