“Ma yeelayno in NATO aaggeenna soo gasho” – Shiinaha oo ka qayliyey arrin la mid ah tan keentay dagaalka Ukraine

0

(Beijing) 25 Maajo 2023 – Shiinaha ayaa ku boorriyey Japan inay u dhaqanto si mas’uuliyadi ku jirto kaddib markii Tokyo ay xaqiijisay inay ku jirto wadahadal ay ku dhisayso xafiiska isku xir ah oo ay NATO ka furato dhulkeeda, iyada oo sheegtay in aysan aqbali doonin “iska horimaad” ka dhaca Asia-Pacific.

Mar wax laga waydiiyey qorshayaashan inta lagu guda jirey shir jaraa’id oo Arbacadii, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Mao Ning waxay sheegtay in NATO ay tahay inay soo gelin aagga saamaynteeda oo aysan raadin inay kordhiyaan joogitaankooda Aasiya.

“NATO waxay sheeganaysaa in ay tahay urur goboleed mana aha in ay sii kordhiso awooddeeda juqraafiyeed. Asia-Pacific masoo dhowaynayso khilaaf millateri,” ayay tiri.

Waxay raacisay in “Marka la eego taariikhda gardarrada ku dhisnayd ee Japan, ay dowladdoodu u baahan tahay inay taxaddar ka yeelato arrimaha millateriga iyo amniga oo ay hubiso in ficilladeedu ay ku habboon yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Ra’iisal Wasaaraha Japan ee Fumio Kishida ayaa xaqiijiyey warbixinnada ku saabsan xafiiska xiriirka oo hindihiisa lasoo jeediyey horraantii Arbacadii shalay, isagoo u sheegay sharci-dajiyayaasha in wadahadallo ay socdaan, laakiin “inuusan ka warqabin wax go’aan ah oo weli la gaarey.”

Waxa uu xusay in Tokyo aysan raadin doonin inay ku biirto NATO, inkastoo ay sare u kacday iskaashiga ay la leedahay isbahaysiga sannadihii u dambeeyey.

Hadalsame Media