Ciidamo uu yeelanayo gobolka Bariga Afrika oo tababar u bilaabmay & Howshooda (Somalia maku jirtaa?)

0

(Hadalsame) 25 Maajo 2023 – Ciidamo ka kala socda 10 waddan oo Bariga Afrika ah ayaa tababar u socon doona muddo labo todobaad ihi uga furmay xarunta Qaramada Midoobey ee adeegga gobolka ee dalka Uganda.

Ciidamo ka kala socda dalalka Burundi, Comoros, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Seychelles, Somalia, Sudan iyo Uganda ayaa ka qaybgalay tababarkan oo ay ujeedadiisu tahay in la abuuro wada shaqayn iyo in sare loo qaado aqoonta iyo fahamka qorshaha hlwlgalka taageerada nabadda, ayuu sheegay Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika (EASF) oo bayaan soo saaray.

“Ma gudan karno waajibaadkeenna ah inaan kor u qaadno nabadda iyo amniga, haddii aan la helin qaab qorshaysan oo wax ku ool ah oo uu yeesho gobolkeennu,” ayuu yiri Taliyaha Guud ee Ciidanka Cirka ee Uganda Brig. David Gonyi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in tababarku uu u sahli doono dalalka gobolka inay ka jawaabaan xaaladaha soo kordha sida argagixisada, rabshadaha doorashada iyo maaraynta musiibooyinka.

“Shaki kuma jiro in ballanqaadka la siiyey geeddi-socodkan waxbarasho uu marag-ma-doonto ah u yahay in dhisidda awoodda iyo tayaynta ay yihiin wax ay u qalmaan Afrika iyo gobolku,” ayuu raaciyey Gonyi.

EASF, oo ka kooban millateri, booliis iyo qaybo rayid ah, ayaa loo aasaasay inay bixiso jawaab si deg deg ah ciidamadan loogu geeyo ciidamada meesha loo baahdo si ay u fuliyaan howlgallo ka hortag, faragelinta deg deg ah, taageerada nabadda iyo howlgallada xasilinta ah, iyo xoojinta nabadda.

Hadalsame Media