”Waa sidii film-kii Terminator” – Dadwaynaha Los Angeles oo ka qayladhaamiyey booliiska oo ROBOT adeegsan doona

0

(Los Angeles) 24 Maajo 2023 – Golaha Degaanka Los Angeles ayaa Booliiska Maxalliga ah u oggolaaday adeegsiga robot “eey” ah, in kasta oo ay ka soo horjeesteen dadka degaanka iyo qaar ka mid ah xubnaha Golaha ee diidDan.

New York ayaa hore u daah-furtay teknoolojiyaddan mid la mid ah waxayna la kulantay diidmo dadwayne oo aad u daran.

Sharci-dajiyayaasha magaalada ayaa 8-4 ugu codeeyey Talaadadii si ay u ansixiyaan in robot-kan ay isticmaalaan Booliiska Los Angeles ee LAPD, taasoo ah deeq ka timid hay’adda Los Angeles Police Foundation oo ciidanka siisay robot-yadan oo ku kacaya $277,000 oo Doollar.

Waxaa robot eeygan naqshadeeyey oo soo saartay Boston Dynamics, waxa uuna awood u leeyahay in uu si iskiis ah u dhex maro jidadka iyo dhismooyinka, waxaana lagu qalabayn karaa agab sahan oo kala duwan, dareemayaal iyo “xitaa hub”.

Booliisku waxay sheegeen in guud ahaan tilalabadan loogu talagalay in loo isticmaalo xaaladaha halista ah ee khatarta gelin kara askarta, iyaga oo u dhaqmaya sidii indho iyo dhego dheeraad ah oo loogu talagalay inay kaalmaysato waaxda booliisku.

Si kastaba ha ahaatee, kusoo darka cusub ee LAPD ayaa la kulmay dhaleecayn ba’an oo kaga imaanayay dadka degaanka, iyadoo dhowr muwaadin ay dhaleeceeyeen go’aanka golaha intii lagu jirey ra’yi waydiinta dadwaynaha Talaadadii shalay.

Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa yiri “Ma doonayo inaan hubeeyno [Caqliga Macmalka ah],” halka mid kalena uu sheegay in isticmaalka robot-kani uu ugu dambayntii horseedi doono “askar robot ah,” isagoo dadka waydiinaya “miyaydaan arag filimada iRobot iyo Terminator?”

Muwaadin kale ayaa sheegay in Golaha Degaanka iyo sharci-dajiyayaashuba ay iska indho-tireen rabitaanka dadwaynaha ay metelaan.

Hadalsame Media