”Waa sawirro aan kala caddayn” – Maraykanka oo inkirsan agab ciidan oo uu sameeyey oo lagu weeraray gudaha Ruushka

0

(Washington) 24 Maajo 2023 – Maamulka Madaxwayne Joe Biden ayaa soo gudbiyey hadal liddi ku ah muuqaallada ay faafiyeen millateriga Ruushka iyo sawirro kale oo badan oo lagu baahiyey baraha bulshada, kuwaasoo muujinaya gadiid dagaal oo Maraykanku sameeyay oo lagu burburiyey gobolka Belgorod.

Gaadiidkan ayaa ahaa qalabkii ay ciidamo Ukraine ihi u adeegsadeen weerarkii ugu dambeeyey ee gudaha dhulka Ruushka, balse Maraykanka ayaa ku doodaya inaysan u badnayn inay Ukraine siisay Washington ama xulafadeeda reer Galbeedka.

“Waxaan aragnay qaar ka mid ah warbixinnada wareegaya baraha bulshada iyo meelo kale iyagoo sheegaya in hub uu Maraykanku siiyey loo adeegsaday weerarradan,” ayuu afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Matthew Miller oo sidaa u sheegay suxufiyiinta Talaadadii isagoo ku sugan Washington.

“Waxaan dhihi doonaa waxaan ka shakisan nahay waqtigan runnimada wararkan.” ayuu raaciyey.

Miller waxa uu soo jeediyey in muuqaalka baabuurta la burburiyey ay noqon karaan kuwo xitaa ”been abuur ah.”

“Waxaan aragnay warbixinno badan oo ku saabsan warbaahinta bulshada iyo sawirro aan kala caddayn oo lagu soo bandhigay baraha bulshada iyo wax badan oo ka mid ah falanqeeyayaal iyagoo fadhiya iska hadlaya oo wax sheeganaya,” ayuu yiri. “Waxaan ka shakisanahay inay waxani sax yihiin.”

Hadalsame Media