Turkiga oo ku guulaystey tijaabada gantaal baalistig ah oo uu sameeyey + Masaafadiisa (Daawo)

0

(Ankara) 24 Maajo 2023 – Shirkadda Gantaalaha Samaysa ee Turkiga ee Roketsan ayaa Talaadadii shalay ku guulaysatey tijaabinta gantaalka riddada gaaban ee Tayfun (Typhoon) taasoo ka dhacday gobolka Rize ee dhaca Badda Madow.

Ismaaciil Demir oo ah Madaxa Wershadaha Agabka Difaaca (SSB) ayaa u hambalyeeyey kooxda ka qaybqaadatay mashruucan.

Tayfun ayaa ah gantaalkii ugu riddada dheeraa ee Turkigu tijaabiyo ilaa hadda. Shirkaddu waxay horay u tijaabisay gantaalkan bishii Oktoobar 2022-kii, markaas oo uu bartilmaameedku ku dhacay meel 560 kiiloomitir fogaan jirta (348 mayl).

Roketsan waa hormuudka horumarinta nidaamka gantaalaha iyo roketyada. Shirkaddu waxay soo saartay dhowr nooc oo ay adeegsato diyaaradda Bayraktar TB2 ee Turkiga ee aan duuliyaha lahayn (UCAVs) kuwaasoo loo adeegsadey Suuriya, Karabakh iyo Ukraine, iyadoo burburisey agab millateri oo kala duwan.

Hadalsame Media