DAAWO: Ronaldo oo meel iska saaray Al Shabaab (Al Itixaad oo weli ku dheggan)

0

(Riyaad) 24 Maajo 2023 –  Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey goolkii guusha ee qaybtii labaad jeer Al Nassr ay 2-0 ku adkaatay si ay usoo nooleeyaan rajadooda hanashada horyaalka Saudi Pro League.

Hadii Al-Nassr oo kaalinta labaad ku jirta laga adkaan lahaa kulanka Riyaad Derby markaas hogaamiyayaasha Al-Itixaad oo 1-0 kaga badiyay Al-Batin mar hore ayaa loo caleemo saari lahaa horyaalka iyadoo ay ka harsan yihiin labo kulan xilli-ciyaareedkan.

Kooxda Al-Itixaad ayaa saddex dhibcood oo qura haatan ku hoggaaminaysa kala horreeynta Horyaalka Boqortooyada Sucuudiga Carbeed.

Dhanka kale, Ronaldo ayaa sheegay in horyaalka Sucuudigu uu si tartiib tartiib ah u soo hagaagayo: “Tallaabo tallaabo ah waxaan filayaa in horyaalkani uu noqon doono mid ka mid ah shanta horyaal ee ugu sareeya aduunka laakiin waxay u baahan yihiin waqti, waxay u baahan yihiin ciyaartoy, waxayna u baahan yihiin kaabayaal dhaqaale”. ayuu yiri.

Hadda waxaa koox walba u harsan labo kulan xilli-ciyaareedka, iyadoo Al-Nassr ay seddex dhibcood ka dambayso kooxda ay xifaaltamaan iyadoo farqiga goolasha barbarro kula ah, balse goolal badan dhaliyey.

SAFAFKII XALAY

Al Nassr (4-3-3): Rossi, Al Ghanam, Lajami, Gonzalez, Konan, Alhassan, Alkhaibari, Gustavo, Talisca, Ronaldo, Ghareeb.

Al Shabaab (4-2-3-1): Seung-gyu, Al Sagour, Santos, Al Tambakti, Al Harbi, Krychowiak, Al Monassar, Guanca, Banega, Junior, Mina.

Hadalsame Media