Laba gantaal oo Maraykan & Ruush ah oo markii ugu horreeysey Ukraine isku helay + Natiijada (Ruushka oo kordhiyey….)

0

(Hadalsame) 24 Maajo 2023 – Shaki la’aan, waxa haatan diiradda la saarayey hardanka u dhexeeya gantaalaha ballistic-ga ah ee cirka lagasoo rido ee Kinzhal ee Ruushka iyo habka gantaalaha lidka diyaaradaha ee Patriot oo uu Maraykanku siiyey Ukraine.

Ugu yaraan sida laga soo xigtey labada dal, labadan nidaam ee hubka ayaa kulmay bishan Maajo 16-keedii, waxaana soo baxayey hadallo is khiaalfsan oo aan isku raacsanayn midka adkaaday.

Ha yeeshee, sida laga soo xigtey ilo hoose, Moscow waxay kordhisey wax soo saarka gantaalka Kinzhal. Tanina waxay dhacday waqti dheer oo kahorreeyey Maajo 16-keedii. Bishan Maajo, Ruushku wuxuu haystaa 80 gantaal oo Kinzhal ah, halka bishii Janaayo uu haystey 50 xabbo oo qura.

Taas macneheedu waxa weeye in bilihii Febraayo, Maarso iyo Abriil uu Ruushku soo saarayey 10 gantaal bishiiba. Qiimaynta gantaalkan Ruushka ee Kinzhal bilihii Janaayo iyo Maajo waxaa si cad u soo bandhigay Wasiirka Difaaca ee Ukraine, Oleksii Reznikov.

Kahor Maajo 16, ama xitaa kahor bilowga “hawgalka gaarka ah ee millateriga” ee Ruushka [sida ay Moscow u qeexdo duullaanka Ukraine], Ruushka ayaa la sheegay inay lahaayeen awood ay ku soo saaraan 2 gantaal oo Kinzhal ah bil kasta.

Haddii falanqayntan cusub la xaqiijiyo, waxay la macno tahay kororka wax soo saarka gantaalkan ugu yaraan shan jeer.

Ukraine waxay sheegatay inay soo riddey 6 gantaal oo Kinzhal ah iyadoo adeegsanaysa Patriot, taasoo ay Moscow beenisey, balse isla Ukraine waxay qiratay in waxyeello loo gaystey hannaanka Patriot, balse markiiba dib loo howlgeliyey.

HAL ARRIN OO MUHIM AH? Haddii sheegashada Ruushka ee ah in Ukraine aysan soo ridin hal gantaal oo Kinzhal ay run tahay, taasi waxay la macno tahay in gantaalku uu sidoo kale yahay mid guuxiisa ka dheereeya. Haddii sheegashada Ukraine ay run tahay ee ah in lix Kinzhal la qabtay Maajo 16-keedii, taasi waxay la macno tahay in Kinzhal aanu ahayn mid guuxiisa ka dheereeya.

MiG-31K with installed Kinzhal hypersonic missile lands in Kaliningrad

Hadalsame Media