MW hore ee Farmaajo oo markii ugu horreeysey caddeeyey mowqifkiisa ku aaddan doorashada Puntland

0

(Muqdisho) 23 Maajo 2023 – Madaxwaynihii 9-aad ee Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrimaha Doorashooyinka golayaasha degmooyinka Puntland.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxda Puntland iyo dadka codkooda dhiibanaya, wuxuuna kusifeeyey talaabo wanaagsan.

“Ugu horreyn waxaan reer Puntland, bulsho iyo maamulba, ku bogaadinayaa sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dadku ay codkooda ku dooranayaan hoggaanka deegaannadooda”

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay hamuun weyn u qabaan in ay doortaan madaxdooda oo ay tahay, arrintaas oo horey dawladdiisii dadaal ugu bixisay, ayna tahay hadda in ay gaaraan dhammaan dawlad gobaleedyada ilaa Federaalka Soomaaliya.

“Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, Guddoonka Baarlamanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa wuxuu sheegay in ”MW hore uu ku mahadsan yahay bogaadinta iyo hambalyada uu shacabka iyo Puntland hawada usoo mariyey, isgoo sheegay inuu kugu bogaadinayo inuu taageeray barnaamijka ”doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda ka hanaqaaday” Puntland, sida uu yiri.

W; D: Faarax Cabdulqaadir

Hadalsame Media