”Haye Mr £80milyan?!” – Laacib reer UK ah oo si xun ugu maadsadey Dusan Vlahovic (Daawo)

0

(Empoli) 23 Maajo 2023 – Harjadkii Dusan Vlahovic ee Juventus xiliciyaareedkaan ayaa kalifay inuu ku maadsado mid ka mid ah laacibiintii kasoo horjeedey Isniintii, iyadoo todobaadka Juventus uu si xun ku bilowday.

Xilli Juve ay qarka u saaran tahay guuldarro kale oo daciifiso ah, xiddiga da’da yar ee Scotland Liam Henderson ayaa kaamaraduhu qabteen isagoo afkiisa kula hadlaya oo leh: ‘Oh, Mr 80milyan!’ isagoo ula jeeda qannaaska Vlahovic.

Iyadoo horeba looga jaray 10-dhibcood kaddib markii kooxda lagu helay dembi ah inay kordhinaysey qiimaha suuqa kala iibsiga muddo saddex sano ah horraantii sanadka, Juve ayay misna ku dhacday guuldarro niyad jab leh oo 4-1 ah oo ay kala kulantay Empoli.

Waxayna taasi ahayd dharbaaxadii 3-aad ee soo wajahdey rajadooda xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay kaga hareen Europa League heerka semi-finalka shan maalmood kahor, oo ay ku guulaysteen kooxda rikoorka ku haysata ee Sevilla, iyadoo hamigooda Champions League-na uu haatan burburay.

Si kastaba ha ahaatee, halkii uu kooxda oo dhan ka abbaari lahaa wuxuu kaliya si gaar u  tilmaansaday Vlahovic maadaama Serbian-kani uu lacag qaali ah ugu fadhiyo Bianconeri.

Hadalsame Media