Xeer Ilaaliyaha Xiriirka FIGC oo dalbaday in Juventus laga jaro 11-dhibcood & Go’aankii oo la sugayo

0

(Roma) 22 Maajo 2023 – Xeer Ilaaliyaha Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga ee FIGC, Giuseppe Chine, ayaa codsaday in Juventus laga jaro 11-dhibcood oo looga jarayo faa’iidada raasamaalka ee ay ka been sheegtay.

Calcio e Finanza waxay faahfaahinaysaa inay tani tahay dacwaddii raasumaalka saddexaad ee Bianconeri uga timaada FIGC, kaddib markii ay dhowaan ay rafcaan ka qaateen 15-dhibcood oo la jaray taasoo ay laasha maxkamadda Guddiga Olombikada CONI ee Collegio di Garanzia.

Dacwadii ugu horreeysey waxay dhacday bishii Maajo 2022-kii kooxdana waa laga sii daayey kahor inta aysan cadaymo cusub kasoo bixin baaritaanka loo yaqaan Prisma ee gadaal laga sameeyey.

Juventus ayaa lagu eedeeyay in ay ka been abuurtay faa’iidooyinkeeda raasumaalka iyada oo u maraysa sicir bararin ay ku samaysay qiimaha suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ay iibisey.

Racfaan ay dhowaan u gudbiyeen Collegio di Garanzia ayaa qayb ahaan lagu guulaystey waxaana la tuuray ganaax 15-dhibcood ah si ku meel gaar ah loo burriyey ama loo kansalay iyadoo laga war sugayo maxkamadayntan ama dacwadda saddexaad oo maanta go’aankeeda la filayo.

Chine has asked for Juventus to be handed a new 11-point dedudction and has also requested an eight-month ban for Pavel Nedved , Paolo Garimberti, Assia Grazioli-Venier, Caitlin Mary Hughes, Daniela Marilungo, Francesco Roncaglio and Enrico Vellano.

Chine ayaa codsaday in Juventus laga jaro 11-dhibcood oo cusub, waxaana sidoo kale uu dalbaday in ganaax 8 bilood ah la saaro Pavel Nedved, Paolo Garimberti, Assia Grazioli-Venier, Caitlin Mary Hughes, Daniela Marilungo, Francesco Roncaglio iyo Enrico Vellano.

Ma jiro xukun cusub oo lagu ridi doono ragga kala ah; Andrea Agnelli, Maurizio Arrivabene, Fabio Paratici iyo Federico Cherubini, kuwaas oo dhamaantood ciqaabtooda horay loogu xaqiijiyey rafcaankii ay ka jawaabtey Collegio di Garanzia.

Hadalsame Media