”Waxay ahayd wax laga yaxyaxo” – Arrin ay sameeyeen taageerayaasha Man City oo aad loo dhaliilay (Daawo)

0

(Manchester) 22 Maajo 2023 – Ciyaartooyda Manchester City ayaa lagu khasbay inay ka cararaan garoonka Etihad kaddib guushii ay ka gaareen Chelsea Axaddii shalaytoole.

Kooxda Pep Guardiola ayaa guul 1-0 ah ka gaartay Blues iyagoo horay ugu guulaystey horyaalka Premier League kaddib guuldarradii yaabka lahayd ee Arsenal ka soo gaartey Nottingham Forest.

Isla markiiba la yeeriyey seerigii dhammaadka ciyaarta, kumannaan taageere ah ayaa ku soo qamaamay garoonka kuwaasoo deeto u cararay dhanka ciyaartooyda City.

Erling Haaland iyo Kevin De Bruyne ayaa kusoo orday dhanka dusmada kahor inta aanay qolyaha amaanku gelib iyadoo ay jirto walaac dhanka ammaanka ah, xilli ay caraysnaayeen taageerayaasha fadhiyey qabta sare ee garoonka oo doonayey inay dabbaaldegga daawadaan.

Daaficii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa u sheegay Sky Sports: “Waxaa jirey buuq badan oo ka imaanayey jamaahiirta qaybta sare, waxay rabeen in dadkaasi garoonka ka baxaan si ay u ogolaadaan dabaaldegga, laakiin taasi waxay qaadan doontaa waqti”.

Sidoo kale, taageerayaasha oo ay xitaa ku jiraan kuwii Chelea ayaa aad u cambaareeyey wax laga yaxyaxana ku sheegay garoonka ay soo galeen taageerayaasha oo ah dhaqan-xumo isa soo taraysa beryahan, kaddib wixii ka dhacay garoomada Udinese iyo Espanyol.

Manchester City players FLEE into the tunnel as fans surge onto the field after win over Chelsea | Daily Mail Online

Hadalsame Media