RASMI: Juventus oo lagu dhawaaqay dhibcaha laga jaray & Kaalinta ay haatan ku jirto

0

(Roma) 22 Maajo 2023 – Kooxda Juventus ayaa laga jaray 10 dhibcood oo Serie A ah waxaana haatan laga ridey kaalinta toddobaad, iyadoo Maxkamadda Racfaanka ee Federaalku ay go’aan ka soo saartay fadeexaddii raasumaalka la macmalay.

Bianconeri ayaa lagu helay denbi ah inay si macmal ah u kordhisey khidmadaha kala iibsiga si ay sare ugu qaaddo faa’iidooyinka raasumaaliga ah, taasoo si wax ku ool ah uga dhigaysey inay haystaan hanti ka badan tii ay dhab ahaantii haysteen.

Dhegeysiga dacwadda ayaa maanta lagu qabtay Roma, iyadoo dacwad oogaha FIGC Giuseppe Chiné uu sameeyey ama soo bandhigay kiiskiisa wuxuuna soo jeediyey ciqaab looga jarayo 11-dhibcood, taasoo ka badan 9 dhibcood oo uu markii hore codsaday Janaayo 2023.

Taa beddelkeeda, jawaabta guddigu waxay noqotay ciqaab dhan in laga gooyo 10 dhibcood.

Booska ay kaga jiraan Serie A-da ayaa hoos uga dhacay 69-dhibcood, waxana ay haatan leeyihiin 59-dhibcood, taasi oo ka dhigtay in waloow ay kaalinta 2-aad joogeen ay haatan soo galeen kaalinta todobaad.

Hadalsame Media