Film-ka arday oo faa’iido wayn ka helaya foowdada lagu furay & Doorkii DF Somalia oo maqan (Arrin horay uga dhacday dal Muslim ah)

0

(Muqdisho) 01 Maajo 2023 – 2013-kii Dowlada Iran ayaa madnuucaday 11 Filim ku eedeeyeen inay si dadban u faafinayaan adkaarta iyo dhaqanka reer galbeedka,waxaa la joojiyay in filimadaas soo dhexmaraan mareegta Internet iyo tiifiiyada dalka.

11 Filim Iran joojiyay daawashadooda ayaa ahaa:

1 – The Legend of 1900 – (1998, Italy)
2 – In the Name of the Father – (1993, Ireland)
3 – Karakter – (1997, Netherlands – Belgium)
4 – Pan’s Labyrinth – (2006, Spain)
5 – The Green Mile – (1999, United States)
6 – The Eighth Hour – (1996, France)
7 – The Shawshank Redemption – (1994, United States)
8 – Maadar (“mother”) – (1991, Iran)
9 – Ikiru (“living”) – (1952, Japan)
10 – One Flew Over the Cuckoo’s Nest – (1975, United States)
11 – The Sacrifice – (1986, Russia)

9 sano ka bacdi 2023, Dowladda Iran ayaa ogaatay Filimada loogu daawasho badan yahay dalkeeda inay yahiin 11 Filim ee 9 sano ka hor la madnuucay daawashadooda, baaritaan dheer ka bacdi waxaa la ogaaday filimadaas in dalka la soo galiyay ayagoo duuban oo cajalado ku jira maadaama Internet iyo tiifiyada laga joojiyey.

Maamulaha shirkada ugu weyn caalamka soo saarta filimaanta galmada ah ka soo horjeeda anshaxa iyo Diinta Islaamka ee la yiraahdo Third Degree Films ayaa sheegay dadka daawada filimaantooda 53% inay joogaan dalalka Carabta iyo Afrika,Waraysi uu baxiyay 2015 waxuu yiri “Macaamiisha ugu badan daawada filimaanteena waxay kala joogaaan qaaradaha Aasiya gaar ahaan Carabta iyo Afrika” Mar la waydiiyay siddee ayay idin kugu suuragashay ina filimaantiina laga daawado dalalka Islaamka 20 sano ka hor ayayba madnuuceen daawashada muuqalada aad soo saartaane, waxuu yiri:

“Hormarka Technology ayaa waxay sahashay inaysan xoog ku sii haysan kali-taliyaasha mayalka adag rabitaanka iyo xoriyada shakhsiga,dhamaan dalalka Islaamka waxaan ku leenahay Studio/Distributor dadka ka iibiya muuqaladeena siddoo kale waxaa jira dhalinyaro xirfad sare leh Internet jabsada siddaas ku daawada filimaanteena.

Filimkaan cusub ee Arday waxaa macnaha u yeelay daawashadiisa waa bahda Waxbarashada oo diidmo kala hortagay,annaa ka mid ah dadkii u daawaday qeybtiisa koobaad inuu ogaado dhaqan xumada filimku faafinayo, damaca Bini’aadamka ayaana u samaysan waxa loo diido unuu jacayl iyo rabitaan u qaado.

Waxaa ila quman Filimkaan meel wax laga qabto ma joogo, bahada Waxbarashadana waxaa la gudboon inay ogaadaan inaan doorkoodu ahayn inay faaf-reeb sameeyaa.

DF Somalia waa inay arrintan soo faragelisaa oo qof walba booskiisa fariisisaa si aysan iskugu xadudbin laba dhinac oo aan shuqul isku lahayn.

Waa foowdo wararka kasoo baxaya kooxda waxbarashada haddii dhaqan xumo lala dagaallamayana isagoo LIVE ah ayuu baraha bulshada dhex joogaa.

FG. Aragtidayda kama turjumayso wanaag iyo xumaan midkoodana oo filimku leeyahay, bahda Waxbarashadu xaq ayay u leeyahiin inay diidaan waxiii wax u dhimanaya Dhaqanka, Diinta, Danta Guud, Sharafka iyo Karaamada Ummadda, shirkada Filimka soo saartay xaq ayay u leedahay inay baahiso waxii aan ka hor imaanan sharciga iyo dhaqanka dalka,hanna la ogaado muuqaal iyo macluumaad Internet galay inaan cidda celin karin xataa haddii Dowladda diido oo laga xanimo internet dalka, dalalka kale laga daawan karaa dalkana asagoo flash lagu wadaa la keenayaa.

W; D: Cabdinuur Wayrax

Hadalsame Media