“Waxaan ahaa nin aad khamriga u caba kaddibna waxaan soo iibsadey jaariyad balse aad baan u jeclaaday” – Qiso muhim ah

0

(Hadalsame) 27 Abriil 2023 – Waligaa ma maqashay Maalik Binu Diinaar?

Maalik binu Diinaar wuxuu kamid ahaa Taabiciyiinta kuwooda ugu waaweyn uguna cilmiga Badnaa, balse kahor inta uusan noqon caalim wayn saahid ah wuxuu ahaan jiray Faajir wayn, qisada uu ku toobad keenayna waa mid cajiib ah sidoo kalana cibro qaadasho mudan.

Maalik Bnu Diinaar oo arintaas nafsad ahaantiisa ka sheekeynayay ayaana wuxuu yiri; Waxaan ahaa mid khamri cabista joogteeya, Alle ka cabsina laheyn, waxaan soo iibsaday jaariyad aad ayaana u jeclaaday jaariyadaas, kadibna waxay ii dhashay gabar yar, oo aad u qurux badan, gabadhii yareyd ayaana qalbigayga taabatay, mar walba oo ay waynaatana waxay aheyd mid aan sii jeclaado.

Marwalba oo aan khamri cabista u fadhiisto way ii imaan jirtay waxayna iga qaadi jirtay Khamriga ayadoona dharka iiga shubi jirtay sidii ineysan ii ogoleyn cabista khamriga. Gabadhii markey gaartay da’da labada sano ayay iga saqiirtay, waxaana dareemay murug aanan waligey horay u dareemin.

Habeen Jimce ah oo bisha shacbaan kalabar tahay ayaan si daran khamriga u cabay aadna u sarkhaamay, markaan seexday ayaan arkay riyo ayadoo qiyaamihii dhacay, buunkii la afuufay, qubuurihii lasoo faagay, khalaa’iqda oo dhana la isku soo kulmiyay, anigana qayb ayaan ka ahaa.

Markaa ayaan shanqar gadaasheyda ka maqlay, markaan eegay waxaan arkay Mas aad u wayn, midabkiisa uu Buluug Madow xigeen ahaa, waxaana maska u kala furnaa afka dhinaceyga ayuuna usoo ordayay.

Inta aad u argagaxay ayaan bilaabay inaan ka ordo, goor aan cabaar ordayay ayaan arkay Oday dhar nadiif xiran caraf xoogana kasoo baxeysay, markaas ayaan salaamay, salaantii ayuuna iga qaaday, kadibna waxaan ku dhahay; Sheekhow maskaan baa I eryanaya ee magantaada I gali.

Odaygii ayaana ooyay wuxuuna igu yiri; Aniga waxaan ahay mid daciif ah, maskaana waa iga xoog badanyahay, tabar aan kaaga celiyana ma haayo, ee orodkaaga sii wado waxaa macquul ah in Allaah uu ku tusiyo wax maskaan kaa badbaadiyee.

Kadibna orodkeygii ayaan sii watay, waxaana iga soo horbaxday jaranjaro kadibna jaranjaradii ayaan fuulay, waxaana is arkay anigoo Dab holcaya oo dabaqado ka kooban, inaan ku boodo ayaan ku sigtay maadaama maskii wali I eryanaayay, balse waxaan maqlay mid dhawaaqaya oo leh; “Kasoo laabo adiga ehelkeeda ma tihide”. dabkii ayaana kasoo laabtay anigoo xoogaa qalbiga ii yara qaboobay.

Waxaan dib ugu soo laabtay Odaygii Sheekha ahaa waxaana ku dhahay; Waxaan ku waydiistay inaad Maskaan iga magan galiso. Sheekhii ayaa markale ooyay balse wuxuu I dhahay; Aniga tabar mahaayo, balse buurtaas fuulwaxaa saaran amaanooyinkii Muslimiinta, hadii adigana ay amaano kuu saarantahay way kuu gargaareysaa.

Dhankii uu odayga ii tilmaamay ayaan eegay waxaana arkay Buur wareegsan oo Qalin ka sameysan sidoo kalana lagu xardhay Dahabka guduudan iyo Yaaquut, dhankeedii ayaana aaday, ayadoo wali maskii I cayrsanayo, markaan Buurtii u dhawaaday ayaa waxaa qayliyay qaar kamid ah Malaa’igtii aygoo leh; Daahyada kor haloo qaado, albaabadana hala furo waxaa macquul ah midkaan quuska joogo in halkaan u taalo amaano magangalin kartee.

Kadibna daahyadii ayaa kor u qaadmay albaabadiina way furmeen waxaana iiga soo muuqday Carruur yaryar oo wajiyadooda aad moodo sidii Dayaxa iney u ifayaan, xiligaas aan Carruurta eegayana Maskii si daran ayuu iigu soo dhawaaday, wax aan sameeyo ayaana garan waayay.

Maraa ayaa waxaa qayliyay qaar kamid ah Carruurtii ayagoo leh; War hoogayaal soo dhaqsada ninka Cadowga wuu kusoo dhawaadaye.

Carruurtii ayaana koox koox uga soo muuqday meeshii ilaa ugu dambeyn aan ka dhex arkay gabadheydii yareyd ee iga saqiirtay, markey I aragtay ayay ooysay ayadoona tiri; Waa Aabahey Wlhi.

Kadibna inta soo booday ayay horteyda soo istaagtay gacanteeda bidix ayayna soo taagtay ayadoona qabatay gacanteyda midig, markaas ayaan anigana gacanteedii ku dhagay.

Durbadiiba waxaa goobtii yimid maskii, markaas ayay gabadheydii gacanteeda midig u taagtay dhankii maskii, wuxuuna Maskii bilaabay inuu ordo goobtiina ka cararo.

Gabadheydii yareyd ayaana markaa I fariisisay, ayadana waxay ku fariisatay dhabteyda, gacanteedii midig ayayna ku garaacday garkeygii, waxayna igu tiri; Aaboow ( أَلَمْ يَأْنِ لِلَّذِينَ آمَنُوا أَنْ تَخْشَعَ قُلُوبُهُمْ لِذِكْرِ اللَّهِ ) [الحديد: 16] .

Aabow (Miyaanan la gaarin kuwa rumeeyay Xaqqa xiligii ay qalbiyadooda u khushuuci lahaayeen xuska Allaah).

Hadalkaa mareky tiri aayada quraankana igu kor akhrisay ayaan oohin bilaabay waxaana ku dhahay; Gabadheydii adinkana quraanka miyaad taqaanaan?

Waxay iigu jawaabtay; Aabow waa idiinka aqoon badanahay adinka.

Markaa ayaan waydiiyay; Waxaad ii sheegtaa muxuu ahaa maskii I eryanayay ee rabay inuu I cuno?

Waxay iigu jawaabtay; Kaasi waa camalkaagii xumaa, waad xoojisay wuxuuna rabay Naarta Jahanama inuu kugu hogaamiyo.

Waxaan hadana waydiiyay; Bal ii sheeg muxuu asigana ahaa odaygii Sheekha ahaa ee aan jidka kusoo maray?

Waxay iigu jawaabtay; Kaasina wuxuu ahaa camalkaagii wanaagsanaa, waad daciifisay kadibna wuxuu tabar u waayay Camalkaagii xumaa.

Waxaan hadana waydiiyay; Gabadheydii maxaad ka qaaneysaan Buurtaan?

Waxay iigu jawaabtay; Anaga waxaan nahay Carruurtii Muslimiinta, halkaan ayaa nala dajiyay ilaa iyo inta saacada qiyaamaha ka dhaceyso, waxaana sugeynaa imaanshihiina si aan idiinkugu shafeecno.

Maalik Bin Diinaar oo wali qisadii warinaya ayaana yiri; Riyadaas markaan arkay ayaan soo hambaabiray anigoo argagaxsan, waxaana arkay dhalooyinkii Khamriga ahaa markaas ayaan bilaabay inaan burburiyo gabi ahaantoodana joojiyo, dib dambana uguma laaban xumaantii aan sameyn jiray oo dhan, anigoona Allaah u toobad keenay, Riyadaas aan arkayna waxay sabab u aheyd Towbadeydii.

Allaha ka raali Noqdee Imaamu Maalik Bin Diinaar ayaa wixii markaa ka dambeeyay kamid noqday Taabiciyiinta kuwooda ugu waaweynaa uguna fadliga iyo Cilmiga badnaa.

Qisadan waxaa soo wariyay Ibnu Jazari oo kusoo wariyay Kitaabkiisa (Az-Zuhrul Faa’ix) iyo sidoo kalana waxaa wariyay Ibnu Qudaama asigoona kusoo wariyay Kitaabkiisa (Kitaab At-Tawwaabiin).

W; D: Cabdiraxmaan Xasan Anteeno

Hadalsame Media