Ruushka oo Golaha Amaanka gaynaya qaraar cusub (Magdhow laga doonayo Maraykanka?)

0

(Hadalsame) 27 Maarso 2023 – Moscow ayaa doonaysa inay ku adkaysato in magdhow laga siiyo qaraxyadii dhuumaha gaaska ee Nord Stream 1 iyo 2 dayrtii hore, sida uu maanta sheegay Dmitry Birichevsky, oo ah madaxa Waaxda Iskaashiga Dhaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka.

Isaga oo la hadlaya RIA Novosti, diblamaasigu waxa uu sheegay in Ruushku aanu meesha ka saarin “suurtagalnimada in la soo hadal qaado khasaarah magdhowga khasaaraha qarixii dhuumaha gaaska ee Nord Stream,” kaas oo si toos ah iskugu xirayey Ruushka iyo Jarmanka gaar ahaan dhanka badda Baltic.

Birichevsky ma uusan sheegin cidda uu Ruushku ka dalbanayo lacag-bixinta, sidoo kale ma uusan sheegin nooca iyo qaddarka ay tahay.

Waxaase uu xusay in kaddib markii saxafiga ruug-caddaaga ah ee baaritaanka sameeya ee Seymour Hersh uu sii daayey warbixintiisii qarxisada ahayd bishii hore uu eedda dusha u saarayay Maraykanka – sheegashadaas oo ay Washington diiddey.

Ruushku waxa uu hadda sheegay inuu diyaariyo qaraar uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ugu baaqayo in la bilaabo baaritaan caalami ah oo madaxbannaan oo arrintan ku saabsan.

Si kastaba ha ahaatee, Birichevsky ayaa sheegtay in “Wadamada reer Galbeedku ay si firfircoon u carqaladaynayaan howshan qabyada ah, iyaga oo sheeganaya in baaritaanka caalamiga ihi uusan lahayn ‘qiimihii dheeriga ahaa’ ee loo baahnaa.”

Hadalsame Media