”Ma fahmi karo baahida kuu gaynaysa” – Taageerayaasha oo weerar ku qaaday arrin uu xalay sameeyey Ronaldo (Daawo)

0

(Hadalsame) 27 Maarso 2023 – Jookarka Cristiano Ronaldo ayay taageerayaashu ku dhaleeceeyeen istuurtii ‘yaab lahayd’ oo uu sameeyey kulankii ay Portugal ku xasuuqday Luxembourg.

Kooxda Roberto Martinez ayaa 6-0 ku garaacday Luxembourg Axaddii ciyaartoodii labaad ee isreebreebka Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2024.

Yeelkeede, halyeeyga Ronaldo, oo 38 jir ah, ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay kulankiisii 198-aad ee Portugal, iyadoo Portugal ay si fudud ku dhaaftay koox xaafadeedkan kasoo horjeeddey, halka Joao Felix, Bernardo Silva, Otavio iyo Rafael Leao ay sidoo kale goolal sahlan ku qaaraameen.

Laakin muuqaalkii Ronaldo oo isu tuuraya si qosol leh si uu kaarka roosaha ugu qalqaaliyo ciyaaryahan kasoo horjeedey ayaa qarax ka ridey baraha bulshada, waloow is tuuristaas uu jaalle ku siiyey garsoore Radu Petrescu inkastoo uu aad u qaylinayey CR7.

Taageerayaasha ayaa DEETO si deg deg ah arrinta ugu faaqiday baraha bulshada si ay ugu jeesjeesaan xiddigga wayn ee sameeyey khiyaanadiisa ‘bareerka ah’.

Waxay la yaaban yihiin sababta uu Ronaldo oo ay kooxdiisu afar gool iyo waxba lahayd xilligaasi uu ugu baahan yahay jaalle qalqaalin iyo waxa uu ka helayo.

 

Hadalsame Media