Dalal badan oo ay Somalia BASAASIIN u joogaan & Shaqada ay qabtaan oo ka duwan midda la moodayo

0

(Hadalsame) 27 Maarso 2023 – Dowladaha dunida in badan oo ka mid ahi Dhulka Soomaalida dano ayay ka lee yihiin, sida dabiiciga ah. Intaa waa aynnu is la og nahay.

Danahaasi haddaba aad bay u ka la duduwan yihiin, xeeladaha la gu sanahaasina aad bay u ka la duduwan yihiin: mid dhaqan, mid diineed, mid dhaqaale iyo mid istiraajiyadeed intaba.

Tusaale ahaan kalluunka Dadaha Soomaalida la ga gurtaa ummado dhan buu quudiyaa, oo haddii kale aan cuneen.

Sidaa daraaddeed Dhulka Soomaalida, gaar ahaan siyaasadda iyo warbaahinta, waxaa buuxdhaafay basaasiin ammuurahaa u ga shaqeeya shisheeyaha.

Basaasiddu ma aha sida dad badani moodaan xog la gaa xado ee waa barashada iyo ka shaqaynta xeeladaha qolo loo ga adkaan karo.

Shisheeyaha dadka soomaalida adeegsada ee dhulkooda ka shaqaysta waxaa ka mid ah Maraykanka, Xabashida, Ingiriiska, Kiiniya, Iswiidhan, Kanada, Erateriya, Masar, Sacuudiga, Gadar, Imaaraadka, Shiinaha, Yugaandha, Jarmal, Isbeyn iyo reero kale.

Anigu waan aqaan dad soomaaliyeed oo cidahaa u shaqeeya ee adigu ma taqaan?

W; Q: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media