DAAWO: Mike Maignan oo durba gacanta midig ku dhigay goolka Faransiiska (Kubbad uu badbaadiyey oo lala yaabay)

0

(Hadalsame) 27 Maarso 2023 – Kabtankii hore ee Xulka Qaranka ee Hugo Lloris ayaa ku dhawaaqay go’aankiisa ah inuu ka fariistay waajibaadka xulka qaranka France, taasoo keentay inuu galoofyada xirto qabtaha AC Milan ee Mike Maignan.

Maignan ayaana u muuqda mid durba booskiisa xirtey, isagoo qaqiiqaddii 95-aad rigoore ka qabtay xulka Netherlands oo ay 3-0 uga adkaadeen kulankii hore, kaasoo uu ka duubay Memphis Depay.

Balse halkaa kuma harine kulankii xigey ee caawa ee Isreebreebka Koobka Qaramada Yurub ayay 1-0 uga soo adkaadeen Jamhuuriyadda Ireland, iyadoo uu goolka madiga ah u dhaliyey B. Pavard, daqiiqaddii 55-aad.

Yeelkeede, natiijadan togan iyo inaan kulankii 2-aad oo xiriir ah aan gool laga dhalin waxaa ku guulaystey Maignan oo qaqiiqaddii 95-aad 2 kubadood oo halis ah ka badbaadiyey xulka Republic of Ireland, isagoo kubbadda ka qabtay xagal aad u dhib badan.

Waxaa cajiib ah in qabtaha Mike Maignan uu kaliya 7 kulan u saftay France. Halkan hoose ka daawo….

Hadalsame Media