Chelsea oo shaacisay culays maaliyadeed oo soo food saari doona sanadaha soo aaddan & Door uu ku leeyahay dagaalka Ukraine

0

(Muqdisho) 27 Maarso 2023 – Chelsea ayaa waxa ay ku adkaysanaysaa inay u hogaansanto shuruucda maaliyadeed ee jira in kasta oo ay diwaangelisay khasaare saafi ah oo gaaraya £121.3 milyan oo gini  sanad kaddib markii la cunaqabateeyey milkiilihii hore ee Roman Abramovich taasoo u horseedday ‘kharash aan caadi ahayn iyo khasaare dakhli’.

Buluuglayaasha ayaa waxaa looga baahnaa inay ku howlgalaan shati gaar ah oo ay siisay Dowladda Ingiriisku min Maarso 10 ilaa Maajo 30-keedii sanadkii tegey.

Shatiga waxaa la siiyey kaddib markii ay Dowladdu cunaqabatayn kusoo rogtey Abramovich kaddib duullaankii Ukraine, sababo la xiriira xiriir uu la lahaa Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin.

Chelsea ayaa sheegtay in shuruudaha la dul dhigay kahor intii aanu kooxda iibsanin dallad uu hoggaamiyo Todd Boehly ay gayaysiiyey khasaare dhan £4.25bilyan oo gini, taasoo ah khasaare dakhli oo culus.

Naadiga ayaa haatan ka digaya in saameynta cunaqabatayntani yeelatay la filayo in la dareemo sanadaha soo socda.

Yeelkeede, saas oo ay tahay Chelsea weli sooma hadalqaadin £500MILYAN oo gini oo uu suuqa ku farraqay Todd Boehly oo xtaa jebiyey rikoodhkii wax iibsiga ee u yaalley Horyaalka Ingiriiska.

Hadalsame Media