5 arrimood oo aan horay war looga haynin oo lagu arkay Muqdisho & Meelo kale oo dalka ah

0

(Muqdisho) 27 Maarso 2023 – Waaxda Tirakoobka Qaranka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday daraasad laga sameeyay Soomaaliya oo diiradda lagu saaray xogta qoysaska iyo shakhsiyaadka.

Xog aruurintan oo ku saleysan 2022-ka ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo khuseeya dadka ku dhaqan magaalooyinka iyo miyiga ee da’ walba leh.

Waa markii ugu horreysay ee Soomaaliya laga fuliyo daraasad noocan ah tan iyo sanadkii 1985-kii.

Ujeeddada ugu weyn ee loo fuliyay xog aruurintan ayaa ah si loola socdo fayo dhowrka shacabka, dhaqaalaha ku baxaya iyo xaaladaha sida gaarka ah ula soo darsa.

Natiijada ayaa loo adeegsan doonaa si loogu cabiro isticmaalka adeegyada bulshada iyo miisaaniyadda qoysaska.

Tani waxa ay sahleysaa in xog caddeymo ku dheehan yihiin loo maro marka la daboolayo baahida bulshada iyo maaligelinta adeegyada dhinaca horumarinta, sida lagu qeexay warbixinta kasoo baxday dowladda.

Haddaba kuwani waa shan ka mid ah arrimihii ugu waaweynaa ee lagu xusay warbixinta ay soo saartay Waaxda Tirakoobka Qaranka ee Soomaaliya.

1- Xogta da’da Shacabka

Macluumaadka laga aruuriyay tirada guud ee dadweynaya oo loo kala qaaday lab iyo dheddig ayaa muujinaya in shacabka Soomaaliya ay u badan yihiin dhallinyaro, dadka waayeelka ahna ay aad u yar yihiin.

Waxaa sidoo kale ka muuqda in tirada dumarka da’da yar ay badan tahay marka la barbar dhigo tan ragga oo ka yar inta ay dumarku yihiin.

Dhallinyaro

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Jaan tuska xogta ayaa lagu qeexay in dadweynaha ku nool Soomaaliya ay u badan yihiin dad dhallinyaro ah. Kooxda ugu badan ayaa ah carruurta ay da’doodu u dhaxeyso 5 ilaa 9 sano, taasoo ah 22.7%.

Dadka ay da’doodu tahay inta u dhaxeysa 60 ilaa 69 sano ayaa ah boqolkiiba 0.5(ragga) iyo boqolkiiba 0.8 (dumarka).

Dadka ka weyn 80 jirka ayaa lagu qiyaasay boqolkiiba 0.8 oo isugu jira rag iyo dumar.

2- Xogta Guurka

In ka badan kala bar ka mid ah dadka Soomaaliya ku nool ee ay da’doodu ka sarreyso 15 sano ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin dad guursaday oo qoysas leh, taasoo ah boqolkiiba 50.5.

Boqolkiiba 37.9 ka mid ah dadka da’doodu ka sarreyso 15 sano ayaan waligood guur soo marin.

Boqolkiiba 5.53 ka mid ah tirade guud ayaa lagu qeexay in ay yihiin dad guursaday balse furriin la kulmay, halka boqolkiiba 6.1 ay yihiin carmal ama dad guursaday balse qofkii ay guursadeen uu ka dhintay.

3- Xogta tirada qoysaska

Celcelis ahaan qoys walba oo Soomaali ah waxa uu ka kooban yahay 6.7 qof, sida lagu sheegay warbixintan laga soo saaray tirakoobka.

Si gaar ah, qoysaska ku dhaqan magaalooyinka ayaa tiradooda lagu qiyaasay 7.0 halka qoysaska reer miyiga ah iyo reer guuraaga ay tiradoodu ka kooban tahay midkiiba 6 qof.

Reer Miyi

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoysaska ay tiradooda gaareyso ilaa 9 qof ayaa u badan kuwa daggan magaalooyinka waana boqolkiiba 26.8 halka kuwa ku dhaqan miyiga ay yihiin boqolkiiba 18.0. Qoysaska reer guuraaga ayaa xubnahooda tiro ahaan lagu qiyaasay boqolkiiba 18.4.

Tani waxa ay muujineysaa in ay koboca reer magaalnimada uusan kaliya ku koobneyn qoysaska usoo guuraya magaalooyinka balse uu sidoo kale u raacsan yahay in qoysaska reer magaalka ay ay ka xubno badan yihiin kuwa miyiga iyo reer guuraaga.

4- Xogta waxbarashada

Wax ka badan kala bar ka mid ah tirada guud ee dadweynaha ayaan waxba baranin, taasoo ka dhigan boqolkiiba 53.7.

Heerka jaahilnimada ee dumarka ayaa aad u sarreeya marka la barbar dhigo kan ragga.

Arday

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Boqolkiiba 63.6 ka mid ah haweenka ayaan waxba baran halka ragga aan waxba baran ay yihiin boqolkiiba 45.3.

Heerka dhallinyarada aan waxbarashada billaabin ayaa maraya boqolkiiba 70.3.

5- Tirada dadka heysta baasaboor

Warbixintan ayaa muujineysa in tirada ragga ee sameystay sharciga socdaalka ee baasaboorka ay ka badan yihiin dumarka.

Boqolkiiba 4.9 ka mid ah tirada guud ee ragga Soomaaliya ku nool ayaa heysta baasaboor. Hase yeeshee Dumarka baasaboorka heysta ayaa intaas ka yar oo u dhigma boqolkiiba 2.9.

Si guud, ragga aan wax sharci aqoonsi ah lahayn ayaa gaaraya boqolkiiba 84.7 halka dumarka sharci la’aanta ah ay yihiin boqolkiiba 86.5.

BBC

Hadalsame Media