3 arrimood oo aan ku haboonayn dhaqanka Soomaalida oo lagu arkay dagaalka Laascaanood & Mid muujinaysa inaynaan dhur lahayn

0

(Hadalsame) 27 Maarso 2023 – Waxaa weli soconaya dagaalka Laascaanood oo qarxey kaddib markii wiil lagu diley horraantii bishii Febraayo, kaasoo ugu dambeeyey dad fara badan oo magaaladaa lagu diley, balse aanay deero deero u herdiyin horraan.

Dagaalkaas oo ay mood iyo noolba ku ba’een ayaa weli ka soconaya magaalada oo aad ugu burburtay duqaymaha iyo rasaasta iyo daafaheeda.

Ha yeeshee, waxaan qoraalkan ku eegayaa arrimo la socdey dagaalkan oo ay labada dhinacba adeegsadeen oo u baahan in sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo, iyo mid kale oo si guud ugu taalla Soomaalida iyo waxgaradkeeda.

1 – In dumar la isku ligo oo la isku soofeeyo oo ay deeto baraha bulshada iska caayaan. Caadiiyan marka la eego dhaqanka Soomaalida dumarka looma adeegsan jirin doorarka dagaalka, xisaabtana kuma jiri jirin in laga ogolaado inay iyaga oo qabaa’il kala metelaya isu tannaagoodaan oo is caayaan ummadii kalena af gaaraan.

2 – In dumarka caaydooda astaan looga dhigo dagaalka sida ”Baryo Culus”, Qaranka Barida Wayn”, IWM, taasoo ka dhigan in jirkii dumarka oo ah hooyo, abaayo iyo habaryar qolo kastaahi ay reerka kale ka qabto ay rag tilmaamayaan. Taasina waa dhaqan liita.

3 – In la duubo dad dagaalka ku dhintay ama dhaawac ah oo mararka qaar la bahdilayo ama la caayayo. Waxaa sidoo kale khalad ah in maxaabiista la qabto la garaaco ama dumar iyo dad aan waxgarad ahayn oo qiiraysan laga adeejiyo, sida beri dhowayd dhacday oo maxaabiis la qabtay la garaacay, waloow markii dambe arrintii laga daba tegey.

4 – Midda Soomaalida si guud u eegaysaana waa in dagaalkan oo haatan 2 bilood kusii dhow aanu jirin wax xal ama hindise nabadeed oo wax lagu maarayn karo oo laga hayo 20 + milyan oo Soomaali ah oo ku dhaqan Geeska Afrika.

Ceebta ugu wayni waa in Soomaalidu ay isku raacsan tahay in la sugo uun waxa ay Amxaaro ku taliso taasoo aan dabcan noqon doonin wax ka tarjumaya dan Soomaaliyeed, halkaa marka ay taagan tahayna waxaa intii waxgarad ah oo Soomaali ah iyo intii cadow ahba u caddaatay inaysan Soomaalidu wax talo ah lahayn oo ay dhur daran tahay.

Su’aashu waxay tahay, ummad noocaas ihi sidee ugu noolaanaysaa bugco istaraatiji ah oo ay cid kastaa u haliilayso?

W; Q: Max’ed Xaaji

Hadalsame Media