Soo gudbinta dalabka iibsiga Man United oo 2 saac oo dheeri ah lagu daray & Shirkad cusub oo soo gashay

0

(London) 23 Maarso 2023 – Dalabyada iibsiga dib u dhaca kooxda Manchester United ayaa lagu wadaa in lasoo gudbiyo 24-ka saac ee soo socda.

Habeenimadii Arbacadii xalay, geedi socodka iibka ayaa waxa uu galay jahawareer markii ay soo baxday in, si ka duwan wararkii hore, midkoodna aanu dalab ka imanin dhanka Qadar walaa Sir Jim Ratcliffe oo laga doonayey inay dalabyadooda soo qaddimaan 9-ka pm oo ahayd waqtiga kama dambaysta ah ee uu qabtay bangiga ganacsiga Maraykanka ee Raine oo howsha isagu wada.

Taa beddelkeeda, labadaba kooxda ka wakiilka ah Sheikh Jassim bin Hamad al-Thani iyo shirkadda Ratcliffe ee Ineos ayaa codsaday islamarkaana la siiyey waqti dheeraad ah.

Labaduba waxay booqdeen Manchester Jimcadii usbuucii hore oo tageen Old Trafford iyo xerada tababarka Carrington waxaana la sheegayaa inay u baahdeen saacado dheeri ah si ay usoo gabagabeeyaan dalabkooda labaad. Hadda waxaa la filayaa inay soo gudbiyaan maanta ama berri.

Dhanka kale, Elliott Investment Management, oo ah milkiilayaashii hore ee AC Milan kana mid ahaa shirkado loosoo bandhigay Manchester, ayaa iyana soo gudbiyey dalab iyaga u gaar ah oo ay ku doonayaan saami aan aqlabi ahayn.

Waa la arki doonaa haddii Glazers ay dalban doonaan iib buuxa oo kooxda looga wada gato ama ay qaadan doonaan inay iibiyaan saamiyo yar yar, sida kan hadda ay dalbadeen Elliott.

Hadalsame Media