Imaaraadka oo gaadiidkii ugu badnaa ku wareejiyey Maamul-Goboleedka Jubaland & Arrin la hadal hayo + Sawirro

0

(Kismaayo) 23 Maarso 2023 – Dalka Imaaraadka Carabta ayaa markale gaadiid fara badan guddoonsiiyey Maamul-Goboleedka Jubaland ee koonfurta Somalia.

Gaadiidkan oo ah nooca Jabaanku farsameeyo ee Toyota Land Cruiser ayaa tiro ahaan la sheegayaa inay gaarayaan ilaa 100 xabbo, waxaana lagu soo bandhigay Dekedda Kismaayo oo ah halka laga dejiyey. Imaaraadku weli gaadiid intaa la’eg ma siinin xitaa DF Somalia.

Ma jirto cid sharraxaad ka bixisay waxa gaadiidkan loo adeegsanayo marka la eego Imaaraadka, DF Somalia iyo walaa Jubaland, balse inta badan waxaa gaadiidkan dusha ka furan ee ay Soomaalidu Cabdi Bile u taqaan loo adeegsadaa dagaallada iyo in lagu xiro hubka noocyadiisa kala duwan.

Imaaraadka Carabta ayaa horay gaadiid qafilan ugu wareejiyey Maamulka Jubaland, iyadoo Imaaraadku uu sanadihii dambe dalka ka wadey siyaasad qaybin ahayd oo aan ka turjumayn danaha qaran ee Somalia iyo midnimadeeda dhuleed.

Warar horay loo baahiyey ayaa sheegayey in Imaaraadku uu ciidamo ka qortay Somalia kuwaasoo loo kala qaaday dalal dhowr ah si loosoo tababaro, waxaa sidoo kale la sheegay heshiis qarsoodi ah oo la sheegay inuu Imaaraadku la galay madaxda sare ee DF Somalia.

Hadalsame Media