Gubadleey waa guulaysatey balse waxay samaysay arrin lagu ganaaxi karo oo aan laga aqbali karin

0

(Muqdisho) 23 Maarso 2023 – WAA YAAB…. LAMA AQBALI KARO SIDAN!

Waxaa aad iiga yaabiyay dhaqanka ay Warbaahinta Ciyaaraha gudaha qaarkood ku baahiyeen kooxdii Gubadley ee Koobka qaaday oo rasaas ku dabbaaldageysa.

Waa xirfadlenimo liidata taas, mana ahan wax ku haboon ciyaaraha oo ah gole Nabadeed & isdhexgal Bulsho.

Ma jirto ceeb ka weyn in Warbaahin ciyaaraha ka faalloota ay (soo gudbiso) wax nuucaas ah xilli ujeedka tartamada loo qabto ayba yahiin in dadka la isku keeno, lagana mashquuliyo rasaasta, dagaalka & iney colaad dhexda ka galaan.

Warbaahinta Ciyaaraha waa iney ka fogaadaan wax walba oo sumcad xumo u keeni kara ciyaaraha.

Sidoo kale maamulka kooxda Gubadley qudhooda waa ka hoos baxday, kuma qurux badneen iney farxadooda ku dhex milaan wax rasaas la xiriira, waana dhaqan aan ciyaaraha shaqo ku laheyn.

RAMADAAN KARIIM

W; Q: Cabdirashiid Max’ud Nuur

Hadalsame Media