”Tani waa mid naxdin leh” – Taageerayaasha Arsenal oo beryahan faraxsanaa oo la kulmay arrin aysan jeclaysan + Sawirro

0

(London) 22 Maarso 2023Taageerayaasha Arsenal ayaa si xun u weeraray funaanadda kooxdooda ee koowaad oo la sheegay inay samaysay Adidas oo ugu tala gashay xilli ciyaareedka soo socda balse warbaahinta loo dusiyey.

Adidas ayaa soo jiidatey taageerayaasheeda Gunners tan iyo markii ay kala wareegtay soo saarista funaanadaha shirkadda kale ee Jarmanka ah ee Puma, laakiin nashqadan cusub ayaan u noqon mid soo dhawaynaysa taageerayaasha.

Sawirro uu sii daayey Reddit ayaa taageerayaasha muuqaal ka siiyey nooca ay tahay funaanadda ay kooxdoodu ku dheeli doonto fasalka 2023/24.

Hadii dusintani run tahayna, maaliyadda Arsenal ayaa noqon doonta funaanad dhaqameedkoodii casaanka ah oo leh gacmo cad cad, taasoo u qaab eg middii ay siteen 2014-15.

Si kastaba ha ahaatee, funaanaddan ayaa lahaan doonta diilimooyin dahabi ah oo ay xitaa ka samaysan tahay astaanta Adidas iyo gacmo cad cad oo aad u cabbir yar, waxaa sidoo kale dilan midabbada labada ah ee caddaan casaanka ah ee ay aalaaba ka kooban yihiin midabbada kooxda woqooyig London.

Hadalsame Media