Caqabad hor leh oo soo wajahdey iibsiga Man United (Maxaa ku dhacay waqtigii uu bangiga Maraykanku u qabtay?)

0

(Manchester) 22 Maarso 2023 – Dalabyo intii hore ka yara badan ayaa lagu gorgorinayaa kooxda Manchester United waxaana goor dhow dalabka sameeyey kooxda fadhigeedu yahay Qadar iyo Sir Jim Ratcliffe – laakiin waxaa jira walaac laga qabo in qoyska reer Glazer aysan kooxda iibin doonin.

Sidii la filayey, dalab dhan £5bilyan oo gini, oo noqon lahaa lacag rikoor jebis ka ah adduunka marka la eego naadiyada isboortiga ah, ayaa waxaa dhacay waqtigii loo qabtay oo ahaa kahor 9-ka fiidnimo xilliga UK, taasoo uu dejiyey bangiga Maraykanka ee kooxda baayacaya.

Labada dhinac ee kooxda doonaya, ayaana si kastaba ha ahaatee, waxay aaminsan yihiin inay yihiin kuwa kaliya ee xiisaynaya inay iibsadaan naadiga, iyagoo diiddan inay saami ka iibsadaan kooxda halkii ay wada iibsan lahaayeen, taasoo sidoo kale ah dookh miiska saaran.

Sidaa darteed, maadaama ay dareemayaan tartan la’aanta jirta ee aanay dhinacyo kale kooxda ku haysan, ayaa hoos u dhigtay rajadii reer Glazers oo ahayd inay lacag 5 bilyan ka badan ku heli karaan camaaliqada Premier League.

Waxaana haatan uu Daily Mail fahamsan yahay, in Sheikh Jassim bin Hamad al-Thani iyo ninka Ingiriiska ah ee Ratcliffe oo ay metelayso Ineos aysan bixin doonin qiime ay dareemayaan inuu ka badan yahay midka ay kooxdu u qalanto, taasoo keeni karta inay kooxdu kusii hoos jirto reer Glazers.

Hadalsame Media