XOG: Somaliland oo toogasho ku xukuntay maxaabiistii ay qabatay & Xeerka DF oo ay adeegsatey + Magacyada

0
(Hargaysa) 20 Maarso 2023 – Maamulka Somaliland ayaa dagaalkii ugu dambeeyey ee Laascaanood sheegtay inay ku qabteen 9 maxbuus.
Haatan waxay maxaabiistaa saareen maxkamad millateri, waxaana lagu soo eedeeyey khiyaano qaran oo loo cuskaday qodobbada 184, 185, iyo 187-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee khuseeya Khiyaanada Qaranka iyo inay cadaw lasoo safteen kuna soo duuleen Qaranimada Somaliland, waa sida loo dhigay e.

Maxkamadda ayaa deeto 9-kan maxbuus ku riddey dil toogasho ah, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo rasmi ahna waxaa loo gudbiyey Xabsiga Mandheera.

Tan ugu yaabka badani waa in Xukunka waxaa loo cuskaday Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ay dhammaan adeegsato Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ah xeer muddo dheer jirey.

 

Hadalsame Media