Macallin Antonio Conte oo meel aan laga filayn mar kale lagu arkay (Daawo)

0

(Manchester) 20 Maarso 2023 – Macallinka Antonio Conte ayaa kusoo laabtay Italy jeer uu GuDdoomiyaha Tottenham ee Daniel Levy uu ka fiirsanayo mustaqbalka macalinka kooxdiisa.

Tababaraha Spurs ayaa dib ugu laabtay guriga qoyskiisa ee Torino kaddib markii uu si cajiib ah u liidey ciyaartooydiisa iyo hanka kooxdiisaba kaddib barbarihii 3-3 ee Sabtigii ay la galeen Southampton, iyadoo muuqaal la dhigay baraha bulshada lagu arkay Conte oo saarnaa diyaaradda rakhiista ah ee RyanAir ah.

Conte ayaa ciyaartooydiisa iyo howlwadeenkiisa siiyey laba maalmood oo fasax ah kaddib natiijadii niyadjabka lahayd ee ka dhacday St Mary’s, markaas oo kooxda laga dhaliyey laba gool oo soo daahday tiiyoo ay 3-1 hoggaanka ku hayeen.

Warkii ugu dambeeyey ayaa wuxuu sheegayaa in Guddoonka Tottenham ee Daniel Levy uu diyaar u yahay inuu eryo Antonio Conte kaddib weerarkii afka ahaa ee aanu waxba ula harin ee uu qaaday Conte oo kulaylka lagu yaqaan.

Haatan maadaama ay jiraan kulamo caalami ah oo waxaa uu macallinkani uga faa’idaystey fursaddan inuu dib ugu soo laato Talyaaniga si uu waqti ula qaato qoyskiisa oo weli ku nool dalkiisa hooyo.

Hadalsame Media