Halis wayn oo Muqdisho jirta oo laga baqayo inay gobollada ku baahdo (Yaa hoosta ka riixaya Ciyaal-weerada?)

0

(Muqdisho) 20 Maarso 2023 – Khatar aan Muqdisho ku arkay oo aan uga walwalay Somalia inteeda kale.

Muqdisho waxaa aad ugu so badatay isticmaalka daroogadda ka gadisan ama ka duwan ti horay loo isticmaali jiray ama lo yaqaanay sida sigaarka, qaadka, xashiishka, kolada carurta dhuqan, shiishadda iyo khamriga.

Waxaa hada aad ugu so batay isticmaalka kininiyadda, budada laga qaato sanka oo la jiido iyo irbadaha sida heroine iyo cocaine, daroogadaas oo qofka bini aadamka markay jirkiisa gasho keenta afar xaladod oo kala duwan.

1. Dad saqraansan oo miirkoodi uu maqanyahay waxaana ku arkaysaa dadkas marka jogtid xamar ayagoo jiifa laamiyadda darbiyadda iyo xeebta liido.

2. Firfircooni xadki loogu talo galay ka baxsan dad ay ku jirto dadkaas oo aad ku arkaysid laamiga iyo gawaridda marka ay hor marayaan in aysan u jeedin oo marba dhinac u socda sida la i sheegayna dhamaan dadki xoogsatada ahaa, dhalin yaradi kubadda ciyaari jirtay iyo askartaba in lo geeyay oo la dhoho kininkan qaata daal iyo wax kaleba midna ma dareemi doontaan.

3. Dad ay kor u qaaday shahwadi ku jirtay oo geysanaya dhibaatoyin kufsi taaso laamaha amaanka ay habeen walba xaqiijiyaan dhibatooyinka ku dhacaya gabdhaha iyo wilasha yaryar ee aan tabarta ay isku difacaan aan laheyn.

4. Dad maqane jooga ah oo wax aan jirin ka shekenaya ama sawiranaya oo mashquliyay dadki ay la nolaayeen ayakina aan wax so saar laheyn loogana shaki qabo waali.

Dadka ugu badan ee isticmalayaana wa dadka u dhaxeeya da’a ahaan 12jir ilaa 35jir qorshaha fog ee laga leyahay so galinta darogadda nocan ah Somaalia waxay noqon karta sababo badan kuwo aan qiyaasi karno iyo kuwo aana qiyaasi karinba.

1. In wadanka jiilki u soo kici laha la burburinayo si intaa curyaansanen ka badan naloo si curyaamiyo oo usan wadanka wax hormar ah u sameyn.

2. In dadki maalgalin jiray dadka dhibaatoyinka wadanka u geestay ay hada maalgalinti u wareejinayaan project cusub madama ki hore waqti dheer socday hadana waji gabo gabo leyahay.

3. In ganacsi laga damacsanyahay oo mesha hada la siinayo 5$ ama 10$ uu garo lacag inta ka badan kadibna qayb badan oo bulshadda ka mid ah ay u arkaan ganacsi ama meel lacag laga sameeyo sida wadamadda hormaray qeybtood.

4. Wadamadda dariska ah ee ku tiirsan lacagta ay ka helaan maandoriyaasha kala duwan eey wadanka soo galiyaan inay abuurayaan baahi cusub iyo maalgashi cusub oo dadkena iyo dalkenaba lagula dagaalamayo.

Khataraha ka yimid ilaa hada iyo kuwa ka iman kara

1. Hada waxaa ka dhashay ciyaal weero dadka dhacaya dilaya si ay uga helaan lacagti daroogadda ku so iibsan lahaayeen sido kale markay qaatana geeysanaya kufsi.

2. Waxaa ka dhalan karta ilmaha iskuuladda iyo jaamacadaha ineey wada bartaan waliba caruurta ka so jeeda rerayaasha ladan ama dhaqan oo loo bari doono si ay u noqdaan ilo dhaqaale ee maal galiya kuwa aan waxba heysan.

3. Waxaa la arki doona ilmo aabihi dila ama hooyaddi dila si uu lacag baad ah uga qaato uu ku iibsado daroogadda iyo waalid lacagtoodi daroogadda ku dhamaatay

4. Waxaa mesha ka bixi doonta waxbarashadda iyo hal abuurki ubixi wadanka

5. Amni daro ka xun ti hore ee wadanka ka jirtay oo ay keeni donaan kooxda waxaan ka ganacsanaysa iyo kooxda ibsanaysaba

Intaa waxaa si dheer ma lihin xarumihi ama isbitaaladi lagu dhaqan celin lahaa dadka nocaan ah oo looga jari lahaa ama dhiigoodda balwadaha nocaan ah looga sari lahaa, lkin sida i muuqata hada ayay beesha calamka no maal galin doonta ileen malin walba dhib inta nalagu abuuro ayaa xal ku meel gaar ahna nalo sameyaa.

Waxaan wali is waydinaya daroogadda nocaan ah cidda wadanka xaalkisa sidaan yahay so galisay ma somaali ba mise wa cadow kale?

Sido kale waxaan is waydinaya howshan wadamadda horumaray la daala dhacayaan iska caabinteeda dowladan taagta yar side uga hortagi dontaa!!

Xal ma u noqon karaa Xamar toogashada lagu xukumayo dhallinti Soomaaliyeed ee dilalka iyo kufsiga sameyay ayagoo daroogeysan?

Wabillahi towfiiq, Wallahu aclam.

Waxa Qortay: Guddoomiyaha Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Boosaaso, Dr.Najma Cabdirisaaq

Hadalsame Media