”Hal mar ayaan idiin digaynaa” – Walaac durba ka taagan hanjabaad halis ah oo saamayn karta kulanka England vs Italy

0

(Napoli) 20 Maarso 2023 – Ciyaar saaxiibtinimo oo dhexmari lahayd taageerayaasha England iyo Italy, ayuu Sportsmail daaha ka qaaday inay bartilmaameedsadeen kooxaha rabshoolayaasha ee hooligans, taasoo keentay in la joojiyo.

Waxaa Axaddii shalay ahayd qabanqaabiyeyaasha ciyaartan oo loo qorsheeyey magaalada Napoli isla maalinta isreebreebka Qaramada Yurub ee u dhexeeya labada waddan e-mail loogu soo diray farriimo aan magac wadan oo hanjabaad ah.

Waxaa lagu sheegay in 60 ka mid ah kooxaha halista ah ee ultras ee caan ka ah Napoli iyo Talyaanigu ay ‘idiin imaanayaan’ waxa ayna ku dareen ‘waxaa laguu digayaa 1 mar’.

Taageerayaashii ka socdey England FC, ayaa hanjabaadda u gudbiyey saraakiisha Talyaaniga, balse kaddib wada hadallo deg deg ah, go’aan ayaa lagu gaaray in dib loo dhigo ciyaarta.

Tadawurkan murugada leh ayaa yimid iyadoo walaac laga qabo badbaadada taageereyaasha labada dal ee ka qaybgeleysa isreebreebka Euro ee Ingiriiska iyo Talyaaniga, kaasoo lagu ciyaari doono xaruntii hooligans-ka oo ah Ingiriiska habeenka Khamiista ah ee soo aaddan.

Kulankii kooxaha Napoli iyo Eintracht Frankfurt ee CL ayay rabshooyin sameeyeen beri dhowayd.

Hadalsame Media