Garnacho oo sawir uu soo dhigay markiiba tiray balse waa la arkay waxa uu qarinayo (Waa sheey ka caraysiin doona macallinkiisa)

0

(Manchester) 20 Maarso 2023 – Alejandro Garnacho ayaa si deg deg ah uga tiray barta Instagram ka, kaddib markii uu ogaadey inuu soo bandhigay shay ku fiicnaa inuu qarsoonaado, xilli xiddigga Manchester United uu daawanayey kulankii FA Cup-ka ee kooxdiisu ay ka badisay Fulham.

Da’yarka reer Argentine ayaa haatan dhaawac ku maqan kaddib markii uu canqowga wax kaga noqday kulankii ay Man United barbarraha goolal la’aanta ah la gashay Southampton horraantii bishan, waxaana uu daawanayey ciyaartii 8 dhamaadka FA Cup Axaddii.

Kahor inta aysan bilaabanin, Garnacho ayaa waxa uu soo dhigay sawir qaybta sheekadiisa Instagram-ka kaasoo muujinaya sida uu kulankan ula daawanayey saaxiibadiis oo diyaarinaya safar kale oo ay ku aadayaan Wembley

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka il duufay inuu qariyo sigaar danabeed meesha yaalley weliba nooca ‘Elux Legend 3500’. Noocani weliba waa ka mamnuuc gudaha UK maadaama uu shan jeer ka wayn yahay cabbirka sharciga ah.

Boostada ayaa si toos ah ugu jirtey qaybta sheekada ee bogga Garnacho dhowr daqiiqo, kahor inta aan si deg deg ah loo dejin oo aanu ugu bedelin mid kale oo u eg balse uu ka maqan yahay sigaar danabeedkii.

Ma cadda in vape-kan uu lahaa 18-jirkan ama qof uu ciyaarta la daawanayey, laakiin waa muuqaal uu sida cad su’aal ka waydiin doono macallinka United ee Erik ten Hag.

Elux Legend 3500 waa mamnuuc ah laakiin baaris uu sameeyey Daily Mail ah ayaa lagu ogaadey in lagu iibinayey dukaamada maxalliga ah bishii hore.

Hadalsame Media