”Waxaan sugaynaa hal arrin” – FA-ga Ingiriiska oo tillaabo adag la maaggan ciyaaryahan Mitrovic

0

(London) 20 Maarso 2023 – FA-ga Ingiriiska ayaa lagu wadaa inay tillaabo ka qaadaan weeraryahanka Fulham ee Aleksandar Mitrovic kaddib markii casaan loo taagay kaddib markii uu riixey garsoore Chris Kavanagh kulankii ay kooxdiisa 3-1 kaga badisay Manchester United Axaddii shalay.

Mitrovic ayaa horraantii qaybtii labaad ee ciyaarta Old Trafford gool u dhalisay kooxda Cottagers, laakin ciyaarta ayaa madaxa lagu istaajiyey markii Willian uu rigoore keenay waxaana loo taagey kaarka cas kaddib markii uu Jadon Sancho kubaddiisa uu ku baloogay gacantiisa.

Yeelkeede, markii Kavanagh uu kaarka cas siiyey kaddib markii uu VAR soo eegay, waxaa ka horyimid Mitrovic oo xanaaqsan, kaasoo riixay garsooraha siina waday inuu ku qayliyo.

Kavanagh ayaa islamarkiiba soo saaray kaarka cas oo uu u taagey, halka uu sidoo kale ciyaarta ka saaray macallinka Fulham ee Marco Silva.

Afhayeen u hadlay FA-ga Ingiriiska ayaa Sportsmail haatan u xaqiijiyey inay sugayaan warbixinta ciyaarta ee garsoore Kavanagh, taasoo ka dhigan in Mitrovic lagu ciqaabayo dhaqankiisa ka baxsan ciyaaraha.

Hadalsame Media