Berbera, Buundo uu dhowaan Imaaraadku dhisay oo roobka u gegsan waydey + Sawirro

0

(Hargaysa) 20 Maarso 2023 – Buundo cusub oo dhowaan uun la dhisay ayaa waxaa ay waxyeello ba’ani kasoo gaartey roobabkii guga ee dhowaan curtay.

Buundadan oo u dhexaysa taalla tuulada Lafaruug, Berbera iyo Hargeysa ayaa waxaa muuqata inaan loo dhisin si waafaqsan heerkii loo baahnaa.

Yeelkeede, biyaha ayaa dhinacyada kasoo qoday oo waxa ay soo saareen bacaad gudaha ku cabbaysan oo lagu dahaaray dhismo khafiif ah oo leelo oo kale ah.

Tan ugu darani waa in buundadani ka mid tahay meelo cusub oo uu maalgeliyey Imaraadka Carabta kuwaas oo ka mid ah mashruuca wayn ee waddada Berbera Corridor oo la filayey in si wanaagsan loo hubiyay tayadeeda, bal inay waafaqsan tahay nidaamka caalamiga ah.

Hadalsame Media