Waa kuwee 10-ka dal ee ugu mushaharka badan qaaradda Afrika (2 dal ayaa uga jirta Barig Afrika)

0

(Hadalsame) 19 Maarso 2023 – Business Insider Africa ayaa soo saaray liiska 10-ka waddan ee ugu sarreeya Afrika ee ay shaqaaluhu helaan celceliska mushaharka ugu sarreeya bishii.

Liiskan waxa lasoo saaray iyadoo la isticmaalayo xogta Statista iyo Salary Explorer, iyadoo la eegayo gunnada ugu yar (minimum wage).

Marka loo eego Salary Explorer, celceliska mushaharka waxaa lagu xisaabiyaa iyadoo la adeegsanayo jawaab-celinta dadkii la waraystay.

Cilmi-baarayaashu waxay isku dareen muunadaha mushaharka, waxayna u qaybiyeen tirada jawaab-bixiyeyaasha, waxayna sidaa ku heleen celceliska mushaharka bishii. Halka celceliska mushaharka guud ahaan uu yahay tilmaame wanaagsan, misna ma sheegayo sheekada oo dhan.

Hadalsame Media