”Waa ciyaar qashin ah” – Milkiilaha Chelsea oo aad uga caroodey barbarrihii shalay (Daawo)

0

(London) 19 Maarso 2023 – Milkiilaha Chelsea ee Todd Boehly ayaa qarsan kari waayey niyadjabka uu dareemay kaddib markii uu daawaday kooxdiisa oo goolkii barbarraha ee ay 2-2 kula galeen Everton laga dhalinayo Sabtigii.

Kaddib markii ay badiyeen seddexdii kulan ee ugu dambeeyey ee tartamada oo dhan, kooxda Graham Potter ayaa raadinaysey guul kale oo muhim ah markii ay hoggaanka ciyaarta kula wareegeen gool uu Joao Felix dhaliyey horraantii qaybtii labaad.

Everton ayaase waxay gacan ka heshay Abdoulaye Doucoure, laakiin rigoore uu Kai Havertz ansixiyey xilli ay 14 daqiiqo dheesha ka dhiman tahay ayaa u muuqdey inay saddexda dhibcood u xaqiijisay Blues.

Yeelkeede, waxaa jirey daraama badan oo gadaal ka dhacay, maadaama uu Ellis Simms uu kaydka kasoo kacay si uu dhibic ugu badbaadiyo wiilasha Toffees isag si fiican u dhamaystiray kubadda daqiiqaddii 89-aad.

Potter ayaa waxa uu qirtay in kooxdiisu ay ku fashilnatay inay xakamayso marxaladaha dambe ee kulanka, qiimaynta milkiile Boehlyna ayaase aad uga sii darnaa.

Markii ninkan Maraykanka ah oo xilligaa ka soo tagayey Stamford Bridge, uu taageere waydiiyay fikirkiisa ku aaddan ciyaarta, dib isuma dhigine wuxuu si deg deg ah ugu jawaabey: ‘S *** f *** ing game!’

Natiijadani waxay Chelsea ka dhigaysaa inay ku jirto kaalinta 10-aad sii taagnaato, iyagoo 11 dhibcood ka hooseeysa meesha ugu dhow boosaska lagu galo Champions League oo ah kaalinta afraad.

Hadalsame Media