Uganda oo qiratay inay lacag badan ku qabto Somalia xilli ay askartii ugu badnayd usoo direen dalka

0

(Singo) 19 Maarso 2023 – Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF) gaar ahaan qaybta (BG) XXXVIII ayaa maanta ku noqday dalkooda iyagoo soo dhamaystay waajibka Howlgalka Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya ATMIS, isagoo ka wakiil ah Taliyaha Ciidamada Difaaca, Gen Wilson Mbadi.

Taliyaha Booliska Millateriga Maj Gen Don Nabasa ayaa shir guddoominayey munaasabadda dirista qayb kale oo u baqoolaysa Somalia kuwaasoo gaaraya 2,450 oo askari, waxaana lagu magacaabaa Unugga Ilaalada Qaramada Midoobey (UNGU) VIII.

Labada howloodba waxay ka dhaceen Xarunta Tababarka Howlaha Taageerada Nabadda (PSO – TC) ee Singo, oo ka tirsan degmada Nakaseke.

Hadalkiisa, Maj Gen Don Nabasa waxa uu ku ammaanay Madaxwaynaha iyo Taliyaha Guud ee Ciiddanka UPDF H.E Gen (Rtd) Yoweri Kaguta Museveni oo uu ku tilmaamay inay dhiiri-gelinayaan Ruuxda Afrikaanka, taasi oo ay daliil u tahay dhammaan ciidamadooda Somalia ka howlgelayey tan iyo sannadkii 2007-dii.

Maj Gen Nabaasa ayaa soo dhoweeyay UNGU VIII wuxuuna ku amaanay shaqada ay Somalia kasoo qabteen. “Hal sano oo Soomaaliya ah oo aad kasoo laabateen iyada oo aysan jirin shilal waawayn iyo weerarro dadban maaha wax kaftan ah. Farxad ayey ii tahay in aan dib idiin qaabilno, waana mid uu ku mahadsan yahay Ilaahay,” ayuu yiri.

Waxa uu ka codsaday inay si deggan ula dhaqmaan bulshadooda maadaama ay muddo dheer ka maqnaayeen, waxa uuna ka codsaday in ay si taxadar leh u maalgeliyaan lacagtooda adag iyo dakhliga ay kasoo heleen Somalia.

”Ku maalgashada ganacsiyada digaagga ama doofaarka, si aad wax uga bedeshaan hab nololeedkiinna.” ayuu yiri Maj Gen Nabaasa oo sidoo kale ciidamada cusub ee Somalia aadaya u rajeeyey nasiib wacan iyo inay ku shaqeeyaan xirfadlennimo.

Ciidamada ATMIS ee haatan Somalia jooga ayaan waxba ka qaban ammaanka dalka marka laga reebo inay deggan yihiin xeryo ay isku ilaaliyaan si ka duwan AMISOM oo dagaallo qaadi jirtey, tiiyoo uu askarigiiba qaato lacag ka badan 1,500 oo Doollar marka beenshinka iyo caymiska lagu daro.

Hadalsame Media