Safaaradda Sweden ee Kenya oo iskula dheggan lacag Somalia loogu talagalay oo la tuhmayo in la musuqay

0

(Nairobi) 19 Maarso 2023 – SVT Nyheter ayaa daaha ka qaaday in labo sarkaal oo sarsare oo ka tirsan Safaaradda Sweden ee Nairobi lagu bilaabay baarista tuhunno la xiriira musuqmaasuq iyo inay faafiyeen xogo xasaasi ah. Labada shaqaaleba waxaa lagu sameeyey shaqo joojin deg deg ah.

Kiisaska mid ka mid ihi wuxuu ku saabsan nin SIDA u shaqeeya kaasoo sidoo kale wada shaqayn la lahaa Safaaradda. Qofkani waxa uu ka shaqeeyay qaybinta, dabagalka iyo xakamaynta lacagaha mucaawinada ah ee ay Sweden siiso dalalka Kenya iyo Soomaaliya. Waana qof maxalli ah reer Kenya ah oo sidoo kale Safaaradda la shaqaynayey muddo dhowr sano ah.

Kan kale waa nin muddo dheer ka shaqaynayey Wasaarad Dibadeedka Sewden islamarkaana mar mas’uul ka ahaa maamulidda mashaariic gargaar oo ay ku baxday miisaaniyad dhan 400 oo milyan oo karoonka Sweden ah.

Safaaradda iyo SIDA oo gargaarka caalamiga ah ugu qaybsan Sweden, ayaa SVT u sheegay inay si dhab ah u eegayaan sida ay wax u dhaceen, balse ma rabaan inay wax war ah bixiyaan illaa baaritaannada la dhammeeyo. Saraakiisha kale ee la eedeeyey waa ay beeniyeen eedeymaha loo soo jeediyey, balse kama aysan hadlin wax intaas ka badan.

Gargaarka Iswiidhishka ee Kenya waxa uu gaarey 493 milyan karoon sanadkii 2021-kii. Kaalmada Sweden ay Soomaaliya ugu deeqday dhanka Soomaaliya ayaa isna dhan 911 milyan oo karoon isla sanadkaas.

Hadalsame Media