”$1.5 Doollar ayaad Balcad ku tegeysaa” – Waddada cusub ee Muqdisho & Jowhar oo durba saamayn togan yeelatay (Daawo)

0

(Muqdisho) 19 Maarso 2023 – Waxaa meel wanaagsan maraya jidka isku xira Muqdisho ilaa Jowhar, iyadoo haatan dhaaftay magaalada Balcad oo ah degmo u dhow Muqdisho.

Waxaa ay waddadan dib loo dhisay wax badan ka tartay isu socodka dadka, badeecooyinka iyo adeegyada kale, maadaama ay jidadku ay ka mid yihiin kaabayaasha ugu wanaagsan.

Bajaajtii uu qofku ka raaco Muqdisho waxay 20 daqiiqo ku gaynaysaa Deg. Balcad, iyadoo ka qaadaysa wax aan ka badnayn $1.5 Doollar.

Arrintan ayaa ku hirgashay mashruucan oo ay xukuumaddii Farmaajo & Khayrre kasoo dhicisay dalka Qadar oo xilligaa go’doonsanaa, balse ay diideen inay ula saftaan dalalkii go’doomiyey ee Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Hadalsame Media