UEFA ma qaab “qabyaaladaysan” ayay u samaysay Isku Aadka Wareegga 16-ka CL? (Yaabkan arag)

0

(Nyon) 17 Maarso 2023 – Waxaa la sameeyey isku aadka Wareegga rubuc-dhamaadka CL iyadoo uu derby samaysmay hal kulan oo derby ah maadaama ay isku dheceen AC Milan iyo SSC Napoli.

Yeelkeede, marka la eego qaabka loo sallaxay ilaa dhamaadka, maadaama sidoo kale nus-dhamaadkana lasii sameeyey waxaa loo kala saaray sinji ahaan.

Tusaale ahaan, waxaa hal dhinac la geeyey kooxo wada Laatiin Yurub ah, halka dhanka kale ay kasoo jeedaan kooxo wada Anglo-Saxon ah, marka laga reebo Real Madrid oo iyaduna Laatiin Yurub ah.

Marka si guud loo eego, waxaa hubaal ah inay dhammaadka joogto koox Laatiin Yurub ah, waana dhanka ay kasoo jeedaan Talyaaniga iyo Portugal.

Halka dhanka kale ay u badan yihiin Anglo-Saxon-ku, kuwaasoo ay tahay inay iska ilaaliyaan inay wada reebto halka koox ee Laatiin Yurub ah ee ku dhex jirta.

Hadalsame Media